RW Khayre oo kasoo horjeestay Heshiiska Berbera [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta dalka db ugu soo laabtay ayaa ka hadlay Heshiiska cusub ee Somaliland iyo Shirkadda DP World shalay kala saxiixdeen.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho, ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre sheegay in dowladda aan lagala tashan Heshiiska Somaliland la gashay DP World, kaasi oo ku saabsan maamulka Dekedda Berbera.

Wuxuu ku tilmaamay Mudane Khayre Heshiiska mid lidi ku ah qaranimada iyo wadajirka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in dowladda ay ka go'an tahay difaaca dalka, sida uu farayo Dastuurka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dowladda Federaalka ay soo dhaweynayso maalgashiga dibadda, balse aysan aqbali doonin in heshiis aysan iyada saxiixan laga hergeliyo dalka guud ahaantiisa.

"Dowladda Soomaaliya way soo dhaweynaysaa Maalgashiga Dibadda, Dowladda waa awoodda kaliya ee xaqa u leh inay gasho Heshiisyada noocaas ah," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Heshiiska DP World la gashay Somaliland ee ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera ayaa la siaxiixay isagoo Ra'iisul Wasaaraha ku sugan shalay dalka Imaaraadka Carabta oo Booqasho labo maalmood uu ku joogay.

Mashruuca DP World ee Dekedda Berbera ayaa waxaa lagu soo daray Dowladda Itoobiya oo dhaqaalaha laga helo 19% loo qoondeeyay, iyadoo Somaliland ay helayso 30%,halka Shirkadda DP World leedahay 51%.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta sharci darro ku tilmaantay Heshiiska DP World iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM