RW Khayre oo ku wajahan UAE xilli xiriirka uusan wanaagsaneyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in dhawaan uu u ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta.

Sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa u safri doono Imaaraadka maalinta Axad ah ee Todobaadka soo socda, oo ku beegaan Taariikhda [25-ka February 2018].

Boqashada Khayre uu ku tagayo Imaaraadka gaar ahaan Abu Dhabi ayaa timid kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaasi, iyadoo ku soo beegantay xilli dhinac u baahan yihiin in xiriirka labada dal kor looga qaado heerka uu joogo.

Booqashadaan ayaa ku soo beegmeysa dhinaca kale xilli madaxda sare ee dowlada qaadatey go’aan ah in go’aanka dhexdhexadanimada ay qaateen uu noqdo mid laga dhabeeyo balse uusan dhinac u janjeerin.

Tani ayaa noqonaysa booqashadii ugu horeysay oo mudane Khayre uu ku bixinayo wadanka Imaaraadka tan iyo markii xilka Ra'iisul Wasaaraha loo magacaabay bishii February ee sanadkii 2017-kii.

Ra’isal wasaare Khayre ayaa boqashadi tan ka horeysay ku tagey dalka Qadar xiligaas oo go’aanka dhexdhexaadnimada ay qaadatey Dowlada Soomaaliya kicisay xiisado siyasadeed.

Dalka Imaraadka Carabta ayaa xiriir ganacsi la leh dalka Soomaaliya halkaas oo fadhi u ah ah Dad farabadan oo Soomaali ah.

 GAROW ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM