Saaxiibada Boris oo Mareykanka loogu diiday in ay tagtay Soomaaliya

Image

LONDON, United Kingdom – Carrie Symonds, saaxiibadda Boris Johnson, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayaa waxaa loo diiday in ay gasho Mareykanka.

Sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee reer Britain Daily Mail, 31-sano jirtan ayaa waxay dalbatay in ay u socdaasho dalkaasi, maalmo kahor.

Safarkeeda oo qayb ka ahaa hay'add ka shaqeysa degaanka oo fahigeedu yahay Mareykanka ayaa waxaa ka xayiray mas’uuliyiinta Washington.

Haweenaydan oo la shaqeynaysay hay’adda aan dowliga ahayn ee Oceana ayaa waxay lahayd kulamo dhowr ah oo ku aadan ilaalinta badaha.

Majaladda ayaa rumeysan in sababta xanibaada loo saarey ay tahay safar shan maalin qaatay oo ay sanadkii hore, 2018, ku tegtay Soomaaliya.

Intii ay ku jirtay dalxiiska oo ay ku wehlisay gabar kale ayaa waxa ay socdaal ku booqatay waqoyga dalka Geeska Afrika dhaca gaar ahaan Somaliland.

Xubno uu kamid yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu waramayaa in ay is-arkeen, wallow aanan la ogayn waxay kawada xaajoodeen.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka uu Mareykanka saarey xayiraadda dhanka socdaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Suudaan iyo Yemen.

Saaxiibadda wasiirka koowaad ee Boqortooyadda UK wali kama aysan hadlin dhacdadan, balse waa ay diiday dalab ku aadan in ay sheekadan ka faalooto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM