Farmaajo oo ku biiray madaxda "dhibane u noqday dhalashada USA"

Image

WASHINGTON, US – Dunida ayaa waxaa la sheegayaa in ay haatan wajaheyso qalalaaso la xiriira dhalashadda, sababta ugu weynna waxaa lagu macneeyaa fekradda caalamiyenta [globalisation].

Barnaamijkan oo soo bilowday sanado kahor ayaa la rumeysan yahay in ay gedaal ka riixayeen reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka. Balse hadda iyaga ayaa u muuqda in ay kasoo horjeedan.

Caalamiyeenta waa mid kamid ah arrimihii sababay in la aas-aaso Qaramadda Midoobay iyo ururo kale oo isugu jira heer caalami, qaarad iyo gobol. Tusaale ahaan Midowga Afrika iyo IGAD.

Qeexitaan ahaan caalamiyenta ayaa lagu sheegaa in uusan jirin wax xuduud ah oo kala celinaya isu socodka dadka, ganacsiga, dhaqaalaha iyo is-dhexgalka bulsho ee wadamada aduunka.

Sababta qalalaasaha dhalashadda keentay ayaa waxaa lagu tilmaamayaa kororta tahriibeyaasha iyo weerarada ka dhashay argixisadda iyo naceybka soo galootiga.

Isaga oo u muuqda mid quus ka muujinaya sii socoshada caalamiyenta, madaxweyne Donald Trump ayaa shirkii 74aad ee Golaha Guud ee Qaramadda Midoobay wuxuu ka cadeeyay mowqifkiisa.

Mucaaradka caalamiyenta waa Wadaniyiinta, kuwaasi oo ku doodaya in ay qarka u saran yihiin in ay lumiyaan dhalashadooda kuna baaqaya in ay muhaajiriinta ay ka baxaan wadamadooda.

"Mustaqbalka aduunka waxaa iska leh Wadaniyiinta ee malahan dadka u dhaqdhaqaaqa caalamiyenta," ayuu yiri Trump oo khudbad u jeediyay hogaamiyeyaasha dunida.

Mareykanka, oo ku jira shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay, waxa uu xudun u ah xiisadaha la xiriira dhalashooyinka, si gaar ah waxay u saameysay siyaasiyiinta.

Siyaasiyiinta oo markii ay muddo joogaan Ameerika qaata dhalashada Mareykanka ayaa kolkii ay dalkooda dib ugu laabtaan ayna xilal qabtaan waxay la kulmaan jahwareer iyo dhibaatooyin.

Wargeyska Washington Post oo maqaal ka qoray arrintan soo bandhigay liiska hogaamiyeyaasha ugu caansan ee dhibanaha u noqday dhalashada Mareykanka ayaa ku sababeeyay kala qeyb-sanaan ka dhalata.

Liiska waxaa kasoo muuqday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxda ayaa markii ay la kulmeen caqabada iska celiyay Baasaboorka. Balse jaraa'idka ma carabaabin dhibaatooyinka.

Ashraf Ghani: Madaxweynaha Afghanistan

Isagoo ku dhashay kuna barbaaray Afghanistan, madaxweynaha haatan ee wadankaas, Ashraf Ghani, waxa uu New York u tegay Waxbarasho heerka PhD-ga oo uu ka qaatay Jamaacadda Columbia.

Kahor inta uusan ku laaban dhulkiisa hooyo sanado kadib ayuu dhalashadda Mareykanka iska celiyay 2009-kii. "English waxaan u bartay in aan danaha qaranka ku difaaco," ayuu ka yiri isu soo bax.

Kadib olale shan sano qaatay ayaa waxa uu ku guuleystay jagadda ugu sareysa waddankaas dhaca Aasiya. Gabdhiis, Mariam, oo muuqaal sameeya ah ayaa hadda ku nool dalweynaha Mareykanka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo: Madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noloshiisa badan ku qaatay degaanka Buffalo. Hadda waa madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo uu ku dhashay ayuu Mareykanka uga wareegay 1980-kii. Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayuu ka shaqeeyay kahor inta aanan la siinin magan-galyo siyaasadeed.

Mudadii uu Buffalo ku noolaa, waxa uu ka shaqeeyay maamulka dowlada hoose iyo Waaxda Gaadiidka. Intii u dhaxeysay 2010 illaa iyo 2011 ayuu mar Ra’iisul Wasaare ka noqday Soomaaliya.

Bishii August sanadkan 2019, isaga oo xafiiska jooga ayaa waxa uu ku dhawaaqay iska celiyay dhalashadiisa Mareykanka.

Boris Johnson: Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska

Ra'iisul Wasaaraha Britain ee hadda dhibaatada kala kulmay ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa dhab ahaan ku dhashay New York. Sanadkii 2016-kii ayuu iska celiyay dhalashadda Mareykanka.

2014-kii waxa uu qirtay in canshuur badan laga qaado, maxaa yeelay haysashada labadda Jinsiyad – Ameerika iyo UK. "Maxaan u bixinayaan?" ayuu yiri markii la waydiiyey hadii uu sii wadayo.

Pedro Pablo Kuczynski: Madaxweynihii hore ee Peru

Sanadkii 2015-kii ayaa waxa uu iska celiyay dhalashadda Mareykanka kadib cadaadis kala kaga yimid murashaxiinta kula tartameysay doorashadii sanadkaas oo ahayd mid dhabaha u xaartay bog cusub.

Kadib talaabadaas, waxa uu farta ku fiiqay madaxweynihii hore ee dalkaas, Alberto Fujimori, kaasi oo uu xusay in dhalashada uu ka haystay Japan ay ku riixday in uu kolkii dambe iska casilo jagadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM