Safiirka cusub ee Mareykanka uu soo gaarey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa soo gaarey Muqdisho maanta oo Khamiis ah, todobaad kadib saddex Qarax oo lagu dilay ugu yaraan 50 ruux, gudaha magaalo xeebeedka.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha Yamamoto, xili uu ka dhawaajiyay inuu sii dar-dargelin doono xoojin cilqaadka iyo iskaashiga dowladaha Soomaaliya ee Mareykanka.

“Mareykanka waxa uu ku farax-san yahay inuu ku dhawaaqo imaanshiyaha Danjire Ambassador Donald Y. Yamamoto, si uu u hogaamiyo howlgalka Mareykanka ee dowlada Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Danjire Yamamoto waa mid kamid ah safiiradda ugu waawayn ee Mareykanka u fadhiya Qaarada Afrika, taasi oo tusaale u ah Washington ay muhiimad gaar ah ay siineyso xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho.

Mar sii horeysay, Yamamoto, oo ah 65-sano jir, ayaa safiiro kasoo noqday dalka Itoobiya intii udhaxaysay 2006-dii iyo 2009-kii, iyo dalka Jabuuti oo uu ka shaqaynayay intii udhaxaysay 2000-2003.

Imaanshiyaha ayaa kusoo aadaysay xili Mareykanka uu kordhiyay joogitaankiisa ciidan ee Soomaaliya, oo ah dowlad uu caalamku taageero, taasi oo dagaal kala soo horjeeda kooxda Al-Shabaab.

Don Yamamoto oo la magacaabay bishii Julaayo 2018 ayaa xilka ka bedalay Stephen Michael Schwartz, kaasi oo xafiiska joogay tan iyo Julaayo 2016, balse, is-casilay September sanadkii hore, isaga oo sabab ka dhigay arrimo shaqsi.

Mareykanka ayaa dib usoo celiyay howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya sanadkii 2014-kii, taasi oo noqotay markii ugu horeysay muddo ku siman 25-sano markii tobanaan Askar Mareykan ah lagu dilay caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM