​Saldhiga Turkiga Muqdisho oo Maanta la furayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in xariga laga jaro Saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Qaaradda Africa.

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaarey magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya Xafladda lagu daah-furayo Saldhigga Military.

 Hulusi Akar ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Waasaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxaana lagu wadaa in maanta ay si wadajir ah uga qeybgalaan Munaasabadda lagu furayo Saldhiga.

"Dawladda iyo Shacabka Turkish waxaan uga mahadceliyaa garab istaagooda Dalka iyo Dawladda Soomaaliyeed," ayuu lu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre war uu dhigay Boggiisa Twitter-ka. 

Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale "Cirfiid", Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar markii uu yimid Muqdisho.

Saldhiggan, oo laga dhisay Deegaanka xeebeedka Jazeera, ee Koonfurta Muqdisho, ayaa ujeedkiisu waxay dowladda Turkiga ku sheegtay inuu yahay mid tababar lagu siinayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Saldhiggan oo ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 4KM oo isku wareeg ah, ayaa waxa uu awood u leeyahay in halkii mar lagu tababaro 1,500 oo Askari, iyadoo loo sameeyay qeybo Askartu ay jiiftaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa la filayay inuu xariga ka jaro Saldhiga, mana la oga sababta uu uga baaqday inuu yimaado Muqdisho, iyadoo wali wax war ah kasoo saarin baaqashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM