​Saldhiga Turkiga Muqdisho oo Maanta la furayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in xariga laga jaro Saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Qaaradda Africa.

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaarey magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya Xafladda lagu daah-furayo Saldhigga Military.

 Hulusi Akar ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Waasaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxaana lagu wadaa in maanta ay si wadajir ah uga qeybgalaan Munaasabadda lagu furayo Saldhiga.

"Dawladda iyo Shacabka Turkish waxaan uga mahadceliyaa garab istaagooda Dalka iyo Dawladda Soomaaliyeed," ayuu lu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre war uu dhigay Boggiisa Twitter-ka. 

Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale "Cirfiid", Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar markii uu yimid Muqdisho.

Saldhiggan, oo laga dhisay Deegaanka xeebeedka Jazeera, ee Koonfurta Muqdisho, ayaa ujeedkiisu waxay dowladda Turkiga ku sheegtay inuu yahay mid tababar lagu siinayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Saldhiggan oo ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 4KM oo isku wareeg ah, ayaa waxa uu awood u leeyahay in halkii mar lagu tababaro 1,500 oo Askari, iyadoo loo sameeyay qeybo Askartu ay jiiftaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa la filayay inuu xariga ka jaro Saldhiga, mana la oga sababta uu uga baaqday inuu yimaado Muqdisho, iyadoo wali wax war ah kasoo saarin baaqashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM