"Dadka taalada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi"

Image

NAIROBI, Kenya - Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya [NISA], C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Universal TV kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.

Sanbaloolshe ayaa eedymo culus u jeediyay madaxda Villa Somalia, oo ku eedeeyay inay isku soo koobeen taladii dalka, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee la degay dalka.

Siyaasigan ayaa soo dhaweeyay Caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, balse waxaa wax laga xumaado uu ku tilmaamay go’aaminta dhanka safarka ee dowladda Federaalka.

Sanbaloolshe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii uu Salaad Cali Jeelle ugu gefay marti-sharaftii iyo madaxdii ka qeybgashay caleemo saarkii Kismaayo, oo uu ku tilmaamay “dulaaliin”.

“Salaad hadaladaas uu leeyahay , dadka soo dirsaday kuma dhiiradeen, waa ceeb in wax yaabaha qaarkood ku hadlo, dadka Soomaaliyeed ixtiraam ayay ka mudan yihiin,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dadkii Soomaaliyeed ee isagu tagay Kismaayo ayuu ku tilmaamay inay muujiyeen Soomaalinimo, islamarkaana ay soo bandhigeen in iyagoo lagu dhex-jirin ay ka tashan karaan mustaqbalka dalka.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in hogaamiyeyaasha dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dhisaan kasoonida iyo is-aaminaadda shacabka, taasoo ku xiran yahay jiritaankeeda iyo awoodeeda.

- Siyaasadda -

Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey in Muqdisho laga dhigay meel ciriiri siyaasadeed [Shrinking Political space] ka jiro, oo lagu caburiyo siyaasiyiinta feker ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

“Wixii Kismaayo ka dhacay [Caleemo saarkii Axmed Maxamed Islaam] waa wax lagu faano, ee ma qabo in la dhaleeceeyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay siyaasigan Soomaaliyeed.

Waxuu wax aan micno badan lahayn kasoo qaadey Sanbaloolshe raali-ahaanshaheeda doorashadii ka dhacday Kismaayo, balse wuxuu ku baaqay in la meel la iska dhigo wixii tagey, lana abuuro jawi wadashaqeyn ah oo Villa Soomaaliya iyo maamulada ah.

Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu damaciisa gaarka ah meel iska dhigo, lana shaqeeyo dowlad goboleedyada, si dalka looga saaro xaaladda uu hadda ku jiro, islamarkaana laga adkaado Al-Shabaab.

Waxa uu ku tilmaamay dadka hadda haya talada Soomaaliya kuwa ku shaqeeya aragtida qaldan oo ah “facaa iska-celi iyo anigaa iri la igama daba hadli karo”, taasina aan dalkan mudada dheer colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed kusoo jiray aan lagu maamuli karin.

“Dadka hadda talada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi, anaa iri la igama daba-hadli karo,” ayuu Sanbaloolshe ku jawaabey mar su’aal laga waydiiyay jahwareerka hogaanka ka jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku booriyey in uu tago Kismaayo "si uu isbedel ugu yimaado jawiga siyaasadeed ee sumeysan ee hadda jira, kaas oo isku bedeli kara mid caafimaad leh".

Puntland iyo Somaliland ayuu soo jeediyay in la siiyo mudnaan gaar ah inta ay kasoo kabaneyso koonfurta Soomaaliya, loona bixiyo dowladda soo aadan "Dowladda Bartamaha iyo Koonfurta ee Soomaaliya".

- Amniga -

Isaga oo iska fogeeyay in waxyaabihii uu xilka ku waayey ay kamid ahayd weerarkii Soobe ayaa wuxuu raaciyey "hal maalin oo waqtigeyga kamid ah kama qasaarin Umadda Soomaaliyeed, wayna iga og-neyd shaqadeyda".

"Aniga shaqo xumo kuma waayin xilkeyga, waxaan ku waayey isfaham daro aniga iyo maamulka xiligaas meesha joogay, waan isla jaan-qaadi waynay," ayuu si cad sharaxaad uga bixiyey sababta loo eryay.

Sidda laga soo xigtay isaga, muddo afar bilood ah oo uu xafiiska joogay waxaa kaliya Muqdisho ka dhacday afar "inta kalena waa la xakameeyay," ayuu hoosta ka xariiqay.

"Aniga kadib 100 ka badan oo qarax ayaa dhacay cidna xil loogama qaadin, marka oohinta origa wey ka weyn tahay," ayuu tibaaxay, isaga oo farta ku fiiqaya in ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiyo.

Sanbaloolshe waxa uu daboolka ka qaadey in Al-Shabaab ay xogta ka heshay hay’adaha dowladda dhex-dhexdooda, taasina ay fashiliso marwalba qorshaha dalka lagu xoreynayo, ilamarkaana lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta.

"Nimankan waxay xogta si toos ah iyo si dad-banba ay uga helaan dadka, mararka qaarkood waxay ka helaan mas'uuliyiinta, ha aaminsanaadan, hala han-dado ama dan kale haka yeeshaan, sidii loo kala guri lahaa taley u baahan tahay".

Lacagta ay dowladdu ka hesho dekadda Muqdisho oo uu ku sheegay 20-milyan "ayaa la siiyaa diyaas-baro soo wareeray, wasiiro iyo Xildhibaano" xili askariga jooga kontaroolada "uusan helin 100-Doollar oo joogta ah".

- Federaalka -

Soomaaliya ayaa qaadatay nidaamka federaalka kadib dagaalkii sokeeye, wuxuuna ku baahay guud ahaan waddanka, iyadda oo cid walba ay u aragto mid xal u ah dhibaatooyinkii dalka ka jira.

Cabdullaahi oo xoojiyey jiritaanka nidaamkan ayaa si cad daaha wuxuu uga rogay in "siyaasadda laga saaro dadka ku jira ee aan la ogayn waxa u taagan yihiin".

"Aniga saddex qof oo Soomaali ah ayaan faham-sanahay waxay u taagan yihiin; Cabdiraxmaan Faroole, Saciid Deni iyo Muuse Biixi," ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo mid-mid u sharaxay.

Faroole, xubin ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland, ayuu xusay "in uu u taagan yahay federalisim, Puntland la horumariyo; Soomaaliya oo lasoo dhisay in laysku keeno. Saciid Deni-na waa lamid".

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, ayuu qeexay "in uu u taagan yahay Somaliland in ay go'do, aayo ka talin, hadii la huri-waayana walaalo miisaaman oo wax Somaliland-na u qalma in koonfurto soo bandhigto ayuu aaminsan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM