Saraakiil loo xiray weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad iyo warar dheeraad ah ayaa wali kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay xarunta Wasaaradaha Arrimaja Gudaha iyo amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xog cusub oo soo baxday ayaa sheegeysa in 14 saraakiil oo ka tirsan Booliska iyo Nabad Sugida loo qabtey weerarka, kaasi oo su'aallo laga waydiinayo sida kuwa fuliyay loogu gudbiyay gudaha Otto Otto.

Amar kasoo baxay Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow ayaa lagu xiray saraakiisha, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin taliye-yaashii Koonataroolada ee ay kasoo gudbeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa timid kadib kulan ay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ay ku yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, taliyeyaasha Booliska iyo NISA.

Wararka laga helayo lamaaha amaanka Soomaaliya waxay tilmaamayaan in saraakiisha Xabsiga lagu xiray ay yihiin kuwa joogay Kontarooladda ku dhow xarunta weerarka lagu beegsaday.

Sidoo kale, waxaa ku jira Taliye-yaasha ciidamada xarunta Otto Otto.

Faahfaahinta laga helayo xarriga saraakiishaan ayaa waxay sheegeysaa in la geeyay mid kamid ah xarrumaha Dambi Baarista, halkaasoo su'aalo ku saabsan qaabka uu u dhacay weerarka, waxay ka ogaayeen iyo sababta ay uga hortegi waayeen.

Warar ayaa sheegaya inay jirtay digniin hore oo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayso weerar inay ku qaado dhowr goobo ku yaalla Muqdisho, oo ay kamid tahay xarunta Otto Otto, taasi oo Sabtidii la galay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiacasiis Xildhibaan, ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay ku fashilmeen balan-qaadkii iyo qorshihii sugidda amniga Muqdisho. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM