Saraakiil loo xiray weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad iyo warar dheeraad ah ayaa wali kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay xarunta Wasaaradaha Arrimaja Gudaha iyo amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xog cusub oo soo baxday ayaa sheegeysa in 14 saraakiil oo ka tirsan Booliska iyo Nabad Sugida loo qabtey weerarka, kaasi oo su'aallo laga waydiinayo sida kuwa fuliyay loogu gudbiyay gudaha Otto Otto.

Amar kasoo baxay Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow ayaa lagu xiray saraakiisha, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin taliye-yaashii Koonataroolada ee ay kasoo gudbeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa timid kadib kulan ay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ay ku yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, taliyeyaasha Booliska iyo NISA.

Wararka laga helayo lamaaha amaanka Soomaaliya waxay tilmaamayaan in saraakiisha Xabsiga lagu xiray ay yihiin kuwa joogay Kontarooladda ku dhow xarunta weerarka lagu beegsaday.

Sidoo kale, waxaa ku jira Taliye-yaasha ciidamada xarunta Otto Otto.

Faahfaahinta laga helayo xarriga saraakiishaan ayaa waxay sheegeysaa in la geeyay mid kamid ah xarrumaha Dambi Baarista, halkaasoo su'aalo ku saabsan qaabka uu u dhacay weerarka, waxay ka ogaayeen iyo sababta ay uga hortegi waayeen.

Warar ayaa sheegaya inay jirtay digniin hore oo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayso weerar inay ku qaado dhowr goobo ku yaalla Muqdisho, oo ay kamid tahay xarunta Otto Otto, taasi oo Sabtidii la galay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiacasiis Xildhibaan, ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay ku fashilmeen balan-qaadkii iyo qorshihii sugidda amniga Muqdisho. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kala qaybsanaan Siyaasadeed oo sii Kordhaysa Kahor Doorashooyinka 2026 ee Soomaaliya

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku dhowdahay in ay ka soo baxdo dowlad u dhow tahay mid laba waji leh.

  • Soomaliya

    01-11-2025

  • 07:53AM

Sweden oo lacag ku siisay Dowladda Soomaaliya si ay u aqbasho muwaadiniin lasoo masaafurinayo

Warbixinta DN ayaa intaas ku dartay in lacagtaasi ay maalgelisay saddex xil dowladeed oo ku jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    30-10-2025

  • 06:59AM