Sarkaal aad loo doon-doonayey kana tirsanaa AlShabaab oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey howlgallo laga sameeyay gobolada Shabeellaha Hoose iyo Gedo oo mid kamid ah lagu dilay sarkaal aad loo doon-doonayey oo AlShabaab ahaa.

Ugu horeyn, weerarka gobolka hoostaga Jubaland oo laga fuliyey Heel-caari iyo Tuulo Coloow ayaa waxaa la sheegay in milatariga ay kusoo furteen 5 qori, rasaas iyo aashiin. Tuulooyinka ayaa ku dhow Baardheere.

"Degaanadaasi waan xorreynay, waxaana haatan ku sugan Ciidanka Difaaca Qaranka oo aanan kasoo laaban doonin," ayuu yiri Korneyl Maxamed Aadan Cali, oo ka tirsan xoogaga dowladda.

Dhinaca kale, duulaanka ka dhacay gobolka hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu beegsaday degaanka Sablaale ayaa waxaa "lagu khaarijiyey" laba xubnood.

Dhaqdhaqaaqan oo ay qayb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah ayaa la tibaaxay lagu dilay Cumar oo ah wiil uu dhalay Mahad Karatay, mid kamid ah horjoogeyaasha ugu awooda badan Al-Shabaab.

Saraakiisha Kumaandooska ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in ragga la naf-gooyey uu ku jiro Maxamed Dhuubow oo ay Kenya horey madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan laba milyan oo dollar.

Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga dowladda federaalka Soomaaliya ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinaya, walina kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida kama aysan hadlin macluumaadkan.

Dhowaan ayey ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in howlgal laga sameeyay Awdheegle lagu dhaawacay afhayeenkii Al-Shabaab, Cali Dheere, kaasi oo ku jira bud-dhigeyaasha maleyshiyaadkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM