Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa ka warbixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ciidamada Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen waxaa lagu beegsaday sarkaal ka tirsanaa maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, duulaanka ayaa laga qaadey degaanka Kuuna Barow.

Ugu yaraan hal sarkaal ayaa ku dhintay duqeyn, mana jirto waxyeelo shacab soo gaarey, sidda laga soo xigtay bayaanka oo u arkay GO.

Warka qoraalka ah ayaanan lagu caddeynin magaca sarkaalka iyo jagada uu ka yahay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AL-Shabaab oo ku saabsan sheegashadda xukuumadda Washington.

Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey howlgalada dhanka cirka ee Soomaaliya isla markaana ka dhan ah argagixisada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM