Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Image

WANLWEYN, Koonfur Galbeed - Sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, waxaa degaanka Yaaq-bariwayne ee gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Hogaamiyahan oo magaciisa lagu soo koobay Gar Gaduud ayaa la khaarijiyay xili uu khudbad ugu jeedinayay tuuladaasi qaar kamid ah dadka degaanka.

Lama ogga waxay sababay dilka Gar Gaduud, balse fahfaahino is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya falkan.

"Sababta ugu wayn ee loo dilay waxay tahay dadka ayuu dhibi jiray oo lacago baad ah ayuu waydiin jiray," ayuu yiri qof magaciisa u khariyay sababo amni.

Meydka sarkaalkaan ayaa lasoo dhigay aargadda degmada Wanlawayne ee isla gobolkaasi, halkaasoo kolkii dambe laga qaaday.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Gacma, oo la hadlay warsidaha Garowe Online, wuxuu soo dhaweeyay dilka xubintan katirsanayd Al-Shabaab.

"Waa calaamad muujineysa in shacabka u soo jeesteen in ay iska dhiciyaan kuwa u diidan nolasha wanaagsan," ayuu Nuuradiin ku daray hadalkiisa.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow, oo si lamid ah uga l-celiyay arrintaan ayaa ku booriyay shacabka in ay qaadaan talaabooyinka noocaan ah ee laga isaga celinayo Al-Shabaab.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo ah mid naadir ah oo kasoo baxay dhinaca xoogaga cilaaqaadka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM