Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Sarkaal katirsan ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somalia, ayaa lagu dilay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dilka waxaa gaystay Koox dhalinyaro ku hubaysan Bastoolado, kuwaasoo sarkaalkaas ku weeraray Isgoyska Maana-boolyo Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Ninka la dilay oo aan ilaa hadda xilkiisa la shaacin ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali.

Lama oga sababta loo dilay, balse waxay qayb ka noqonaysaa dilalka qorshaysan ee inta badan lala eegto saraakiisha dowladda.

Marxuumka ayaa qayta kore jirkiisa looga dhuftay ilaa dhow xabadood, isagoo ku naf-baxay halka lagu weeraray.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkaas, balse waxaa loo badinayaa inay ka dambaysay kooxda Al Shabaab.

Maaha markii ugu horaysay weerar lagu qaado mas’uuliyiin katirsan NISA, waxaana dhowr jeer oo hore weerar noocaan ah loogu dilay shakhsiyaad kala duwan oo ku sugnaa Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM