Sarkaal katirsanaa Xukuumadda Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Somalia - Koox hubeysan ayaa Muqdisho ku dishay nin la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee xukuumadda Somalia.

Mas’uulka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble(Cabdi Madoobe), ayaa waxaa labo nin oo hubeysan ay ku toogteen xilli uu ka baxayay hooygiisa oo ku yaalla Xaafadda Albaraka ee degmada Hodon, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban, iyadoo ay baxsadeen gacan-ku-dhiigliyaasha.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkan katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo caasimadda ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM