Sarkaal lagu xiray Kismayo iyo wararkii u dambeeyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Laamaha amaanka Jubbaland ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed.

Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka.

Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen.

Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen.

Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya.

Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa.

Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM