Sarkaal sarre oo Muqdisho kaga badbaaday isku day khaarjin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal sarre oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxa uu Isniinta maanta ah kaga badbaaday isku day khaarijin ah.

Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax loogu soo rakibay gaarigiisa oo ku qarxay meel ku dhow dekada Muqdisho oo ku taala degmadda Xamar Jajab.

Dhoore oo la sheegay in uu Jeneraal sarre yahay bileyskana u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa waxaa la sheegayaa in uu weerarkan kasoo gaarey dhaawac "aad u culus".

Goobjoogeyaal ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in markii uu gaarigu qarxyey shidaal looga shubayey kaalin batrool oo halkaasi ku taala.

"Kaalin shidaal oo meesha ka akdhoweyd ayuu qaraxu sameeyay taasi oo uu dab qabsadey," ayuu Axmed Xasan Maxamed, oo kamid ah dadka degan goobta ay wax ka dhaceen.

Gaadiidka dab-damiska oo meesha ay wax ka dhaceen durba soo gaarey ayaa ku guuleystay daminta, wallow aanan ilaa iyo hadda lasoo warin khasaaro ka dhashay dabkaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, wallow dhacdooyinka noocaan ah aalaaba looga bartay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee AlShabaab.

Inta badan saraakiisha xoogaga dowladda ayaa qarax loogu xiraa gaadiidkooda, waxaana laamaha amniga ay ku fashilmeen in ay ka dabatagaan goobta loogu soo rakibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM