Senate-ka Soomaaliya oo ansixiyey qaraar ka dhan ah heshiiska Trump

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meelmariyey qaraar lagu cambaareynayo heshiiska madaxweynaha Mareykanka ee ku wajahan Bariga Dhexe.

Qorshahaas ayaa nuxurkiisa lagu tilmaamay nabadeynta colaada soo jireenka ah ee u dhaxeysa Falastiiyiinta iyo maamulka Israa'iil.

Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan Senate-ka Soomaaliya kaasoo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twiter-ka, ayaa hoos u dhigay heshiiskaas.

"Annaga [Senate-ka Soomaaliya] waxaan maanta ah ansixinay qaraar ka dhan ah wuxuu madaxweynaha Mareykanka ugu yeeray "Heshiiska Qarniga" ee sheegaya in aysan jirin Falastiin," ayuu yiri.

Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay kamid noqoneyso qaar kamid ah wadamada caalamka ee kasoo horjeestay qorshahaas.

Turkiga ayaa damaca Aqalka Cad ku tilmaamay "isku day la doonayo in meesha looga saarayo dedaalada laba dowladood oo isku mid ah loogu sameynayo Falastiin iyo Yahuuda".

Boqorka Sacuudi Carabiya oo khadka telefoonka kula hadlay Maxamuud Cabaas, madaxweynaha Falastiiyiinta, ayaa u xaqiijiyey in ay ku garab taagan yihiin sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Falastiiyiinta oo dhankooda ka falceliyey go'aanka maamulka Donald Trump ayaa ku sifeeyay "mid xaqiijineysa in Washington aysan dhexdhexaad ka ahayn colaada labada dhinac".

Yahuuda ayaa xoog ku haysata qaybo kamid ah dhulka Falastiin, halkaasoo ay ciidamadeeda ka geystaan xarig iyo tacadiyo badan. Qaramada Midoobay waxay haysashadaas u aqoonsatay mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM