Senator Faroole oo Khudbad ka jeediyay Barlamanka Jubbaland [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynahii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa maanta Khudbad ka jeediyay Xaflada lagu soo xirayay Kalfadhiga 3aad, Gollaha Barlamanka maamulka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo.

Khudbada Senator Faroole ayaa ugu hadlay arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Xaaladda dalka uu marayo, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarrada ay ku tallaabsatay Jubbaland mudaadii ay jirtay.

Mudane Faroole oo booqasho ku jooga Kismaayo, ayaa Kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, Madaxda sare ee Jubbaland state, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale.

Senator-ka ayaa ku tagey Kismayo safarkii ugu horeeyay maalintii Axadda ee lasoo dhaafay, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Intii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland, Faroole ayaa dedaal badan ku bixiyay dhismaha Jubbaland 2013-2014, taasi oo khilaaf weyn ka dhex abuurey isaga iyo Madaxweynihii hore Somalia Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warbixin: Doorashada Lagu Muransan Yahay ee Muqdisho oo Heer Cusub Gashay

Khilaafka ka taagan guddiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo geedi-socodka doorashooyinka ayaa sidoo kale sii hurinaya hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 01:27PM

Mucaaradka: Soomaaliya Waddo Qaldan Bay Ku Socotaa

Shariif Sheekh ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay inay boobtay dhul dadweyne oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 09:30AM