Shaakir oo si adag uga hadlay "qalalaasaha" DF kawado Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa cambaareeyay "qalalaasaha cusub" oo ay dowladda federaalka ka bilowday Galmudug.

Hadalka Shaakir ayaa imaanaya xili ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay la wareegeen Matabaan iyo Guriceel. Magaalooyinkaas waxaa horey gacanta ugu hayey Ahlu Sunna.

Dhaqdhaqaaqyadda xukuumadda dhexe ayaa yimid markii uu soo cusboobaadey khilaafka maamul dhisida Galmudug iyo magacaabida Guddiga Doorashooyinka oo kala dhaxeeya hogaanka ururkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, oo gobolka Galgaduud ku sugan ayaa wuxuu ku fashilmay in uu qanciyo Sheekh Shaakir.

Mr Sabriye ayaa hogaanka Ahlu Sunna ku eedeeyay "in ay jidgooyo u dhiganayaan" dhismaha Galmudug loo dhan yahay iyo soo xulista Xildhibaanadda.

"Runtii waxyaabaha qalalaasaha ah ee hadertaan dhacay, waxyaabo cusub bey noqdeen oo aad iyo aad aanan ka maleynsaneynin in xagga dowladda ka yimaadaan," ayuu yiri Shaakir.

Xisbiyadda dalka ayaa mar sii horeysay ka digay colaad ama isku dhac degaanada maamulkaan ku dhexmara dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu ku daray: "Anaga hadii aan nahay Ahlu Sunna Waljameeca, hadii aan nahay Galmudug, ma rabin in uu hal qof naga dhaawacmo ama naga dhinto, bulshadeena iyo degaankeena uma rabno.

Ahlu Sunna ayaa sanado kahor waxay qaybo badan oo kamid ah Galmudug ka xorreysay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

"Meel hadii wax nooga dhaawacmayaan ama nooga dhimanayaan annagaoo walaalaha madax furashada loo haysto xorreynayna nooga dhaawacmo ama nooga dhinto, taas ayaa Diintu na fareysaa".

Mar la waydiiyay hadii ay diyaar yihiin wada hadalo ay la galaan xukuumadda federaalka ayuu raaciyey "arrintaasi waa arrinka aan ku dedaalayno" isaga oo rajo ka muujiyey in xal la gaari doono.

Shaakir ayaa hoosta ka xariiqay in ammaanka Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug uu xasiloon yahay lana mid yihiin magaalooyinnka kale, nabad-gelyaduna si wadajir u sugayaan iyaga iyo dowladda.

Sidda laga soo xigtay dhowr illo wareed, khilaafka kasoo cusboobaadey Ahlu Sunna iyo dowladda ayaa wuxuu daaran yahay balanqaad loo sameeyay kooxda Shaakir oo ah in ay heli doonan 35-Xildhibaan.

Hogaanka Ahlu Sunna oo ka cabsi qaba in ay waayaan tiradaas ayaa waydiistay madaxda dowladda federaalka damaanad dheeri ah, sida uu qiray Wasiir Sabriye.

Villa Soomaaliya ayaa damacsan in ay doorashada Galmudug ka hesho natiijo ka qoslisa iyo madaxweyne daacad ah, taas oo qayb ka ah qorshaha iyo ololaha Nabad iyo Nolol ee doorashadda soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM