Shabakaddii Al-Shabaab ee Galbeedka Muqdisho oo maxkamad lasoo teegay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa bilowday maxkamadeynta afar ruux lagu sheegay shabakaddii Al-Shabaab u qaabilsaneyd Galbeedka magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Maxamed Aweys ayaa 28-kii Febraayo 2017-kii laga qabtay bar gaadiidka lagu hubiyo oo ku taala waaxdda Xaawa Taako ee degmadda Wadajir.

Raggaan oo magacyadooda afgarashada sida ay u kala horeeyaan u kala yihiin; Axmed, Cabdiwali Atam/Pakistani iyo Yaxye ayaa "waqtigaas kasoo laabtey howlgal argagixisnimo oo fashilmay".

Ruuxa afaraad Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen ayaa waxaa laga soo xiray Degmada Dayniile, gaar ahaan Jaamacadda Gaheyr, sidda laga soo xigtay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah.

Gacan ku dhiigle

Axmed oo kamid ahaa qeybta khaarijinta gaadmada ah fulisa ee dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeynayaan dilal dhowr ah oo dhacay sanadihii 2017-kii, 2018-kii iyo sanadkan 2019-ka.

Fal-dambiyeedadda ay xeer-ilaalinta kusoo dacweysay ayaa waxaa loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo shacab.

Saddex Xarigle, marxuum Xuseen Macalin Cali Jilacow oo lagu dilay degmadda Waaberi, 28-kii bishii lixaad 2017-kii ayaa ku jira.

Gaashaanle Yuusuf Cabdullaahi Maxamuud oo 9-kii bishii 12aad ee 2017-kii geeriyooday ayaa qayb ka ah gal-dacwadeedka.

Saddex Xarigle, Cabdullaahi Ibraahim Xasan [Gambar] oo 5-tii bishii Shanaad ee sanadkii 2018-kii la naf-gooyey ayaa kasoo muuqdey.

Cabdi Cali Maxamuud, oo ahaa ruux shacab ah oo ka ganacsada hilibka, kawaanle, oo 27-ka bishii November 2018-kii la toogtay ayaa qayb ka ah.

Dhaawac loo geystay Cabdiraxmaan Maxamed Cali kaasoo haatan la il-daran nabarada kasoo gaarey rasaasta ayaa qayb ka ah.

Caawiyeyaal

Pakistani oo ahaa darawal Mooto kaas oo si gaar ah loogu soo eedeeyay in uu hubka gaar ahaan Bastooladaha u kala gudbin jiray shabakadan ayaa la sheegayaa in uu qayb ka ahaa gacan ku dhiiglenimada.

Yaxye iyo Pakistani oo kawada siman eeda ah in ay xubin ka ahaayeen Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen dhaawaca loo geystay dhibane Cali oo marqaatiyeyaasha kamid ah.

Saddexda eedeysane ayaa kawada siman qorsheynta dilkii fashilmay ee lala damacsanaa Baarliin Cabdi Warsame, oo ah haweenay ka ganacsatada Khaadka kuna nool magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, eedeysanaha afaraad, ayaa si gaar ah loogu soo eedeeyay dilka Dable ciidanka xoogga, Maxamuud Xasan Ibraahim oo la toogtay 31-kii bishii April sanadkan 2019-ka.

Caddeymo

Xafiiska xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa codsaday in la siiyo waqti kale oo ay xeer-beegtada ku horkeenaan caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan gal-dacwadeedka aadka u culus.

Qareenadda difaaca eedeysaneyaasha oo fursad loo siiyey in ay ka oraah dhiibtaan dalabka ayaa ku raacay soo jeedintaasi.

Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa sheegay in ay dib kasoo sheegi doonan goorta ay qabsoomeyso fadhiga xiga ee kiiskan.

Illo wareedyo ayaa daboolka ka qaadaya in caddeymaha ay la imaan doonan xeer-ilaalinta ay kamid yihiin qiraalo laga qoray eedeysaneyaasha iyo hubkii ay ku howlgeli jireen kuwaas oo lagu soo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM