Shan arrimood oo ku geedaaman safarka Khayre ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu socdaal ku tago magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Khayre ayaa u baajiyay safarka oo la qorsheeyay in uu Sabtida maanta sababo ku aadan geerida naxdinta leh ee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Marxuum Xoosh, wasiirkii Dastuurka xukuumada federaalka ah, ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai kadib xanuun Kilyaha oo kusoo booday.

Tegitaanka Khayre ee xarun goboleedka Jubada Hoose ayaa kusoo aadaya iyada oo bilooyinkii lasoo dhaafay ay socdeen wadahadalo u dhaxeeyay dowlada iyo maamulka Axmed Madoobe.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya Shan arrimood oo aad ubaahan tahay in aad ka ogaato booqashada Khayre ee caasimad goboleedka Jubada Hoose.

– Ujeedka socdaalka –

GO ayaa fahansan in safarka Khayre uu daaran yahay sidii loosoo afjari lahaa is-marin-waa aan wali la xalin oo u dhaxeeya dowlada dhexe iyo madaxda maamulkaasi.

Khilaafka oo salka ku haya qodobo badan ayaa arrinta ugu muhiimsan waxay tahay doorashada madaxtinimada Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa xusul-duub ugu jirta in doorashada kaga adkaato Axmed Madoobe, kaasoo dhankiisa doonaya in uu difaacdo kursigiisa.

Doorashada madaxwaynaha Jubbaland ayaa qabsoomeysa bisha Agoosto ee sanadkaan, inkasta ay ka horeyso soo xulista Xildhibaanadda.

– Wadahadal horey –

Wada-xaajoodyada u dhaxeeyay labada dhinac oo uu isku soo daba riday Fahad Yaasiin, agaasime ku xigeenka NISA, ayaa ka dhacay caasimada Kenya.

Is-arag-yadaasi oo wax xoogaa horumar ah laga sameeyay ayaa mid kamid natiijooyinka kasoo baxay waxaa kamid ah socdaalka Khayre.

Waa markii labaad oo uu Khayre tagayo Kismaayo tan markii la magacaabay, iyada oo ay ugu dambeysay Bishii Julaayo 2017-kii.

Khayre ayaa xilligaasi u tegay magaala xeebeedka shirka Gollaha Wasiirada xukuumadiisa oo ay Kismaayo marti gelisay.

– Damaca xukuumadda –

Sida aan la wada socono, dabayaaqada bishaan Maaj, waxaa la filayaa in magaaladda Garowe lagu qabto shir u udhaxeeya dowlada iyo maamulada.

Shirkaasi oo uu iclaamiyay madaxwaynaha dowlada Puntland kadib xafladii caleema saarkiisa ayaa si lamid ah kasoo muuqan doona dhinacyo badan.

Xukuumada ayaa la fahansan yahay in kahor shirkaasi ay raadineyso in ay iska xaliso dhamaan culeysyada ka haysta maamuladda.

Jubbaland ayaa loo arkaa midka kaliya ee hogaankiisu mayal adag yahay, maadaama dowlad goboleedyada kale qaarkood ay dowladdu hoostagaan.

Inkastoo tani jirto, hadana hogaanka cusub ee Puntland ayaa muujiyey dhex-dhaxaadnimo markii xaflada caleema saarka uu ku casuumay dhinacyo kala aragti duwan.

– Rajada in is-afgarad uu dhaco –

Wallow aad loo filayo in is-fahan la gaari karo, haddana xeel-dheerayaashu waxay qabaan in taasi cak-sigeeda ay imaan karto.

Dadka sida dhow ula socda khilaafka madaxda Villa Soomaaliya iyo iyo Jubbaland ayaa qaba in ay adkaan doonto in heshiis laga gaaro arrinta doorashada.

Sababta ayey ku qeexayaan in ay calaamad su’aal dul-saaran tahay hadii Axmed Madoobe uu ka tanaasuli doono kursigiisa.

- Tariikh qorantay -

Dowlada Farmaajo ayaa mar sii horeysay daaqada siyaasada ka saartay Shariif Xasan markii ay kaga adkaatay doorashadii Koonfur Galbeed oo uu kusoo baxay Lafta Gareen iyo Maxamed Cusmaan Jawaari, afhayeenkii Gollaha Shacabka.

Hasayeeshee, khabiirada ayaa rumeysan in Axmed Madoobe "uusan lamid ahayn" Shariif Xasan, iyaga oo ku sababeeyay awooda ciidan iyo mid degaan.

Inkasta oo ay dowladda dhexe ku guuleystay faragelinta doorashadii Koonfur Galbeed, hadana waxay waji gabax kala kulantay midii Puntland oo kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo ahaa murashax madax banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM