Shaqsi dilal iyo qaraxyo Al-Shabaab uga fuliyey Muqdisho oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dil toogasho ku xukuntay Isxaaq Keerow Aadan Cali oo kooxda Al-Shabaab u fuliyey qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Isxaaq ayaa lagu waramay in uu qirtay tuurida tobban bam-gacmeed iyo laba dil oo midkood lagu beegsaday shacab, halka kan kale lagu khaarijiyey askari ka tirsanaa ciidamadda dowladda federaalka ah.

Bishii June 21-keeda sanadkan 2020, degaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ayuu ku toogtay Faarax Cabdulle Cariif; falkaan oo ahaa kiisii ugu horeeyay waxaa ku wehliyey laba kale oo lagu raad-joogo.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayuu soo galay gacanta laamaha ammaanka ka gedaal markii weerar bam-gacmeed ah oo uu ku fashilmay uu ka geystay degmadda Yaqshid gaar ahaan laanta Horseed.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in xukunsanaha uu haysto fursad uu rafcaan kaga qaadan karo go'aanka xeer-beegtadda ciidanka qalabka sidda.

Waa kuma Isxaaq Keerow?

Xilli magacyadiisa afgarashadu kala yihiin; Cabdiraxmaan, Cumar Faaruuq iyo Cabdiladiif, sanadkii 2014-kii ayuu ka baxay degaanka Dudumaale oo ku dhow Xudur, gobolka Bakool si uu ugu biiro Al-Shabaab.

Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan ayuu kasoo fuliyey weeraro jidgal ah oo midkood lagu gubay gaadiid ganacsato diidey in ay bixiso lacagta baada ah ee maleeyshiyaadka xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

Wallow muuqaalkiisa u muuqdo mid da'yar ah, haddana in uu ku firfircoonaa howlgalada loo diro ayaa sababtay in loo tababaro dilalka qorsheysan iyo tuuriada bambooyinka loona soo wareejiyo caasimada dalka.

Isagoo caddeeyay in Sagaal kamid ah bambooyinka uu tuuray ay qarxeen, mid kalena ay ka fashilantay, horjooge ku meelgaar ah ayuu u noqdey shabakad markii ay xoogeysatay u heelanaantiisa daadinta dhiiga.

Wareysi uu telefishinka qaranka ka qaadey kahor inta aan xukunka lagu fulin isla markaana la baahiyey ayuu ku muujiyey in uu waaya-aragnimo badan u haysto shaqada argagixisnimo sida dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM