Shaqsi qarax ku xiray sideed gaari oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay dib u bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah Mustaf Maxamed Xuseen oo loo haysto in uu kamid yahay Al-Shabaab.

Mustaf oo wejigiisa uusan ku cusbeen xeer-beegtada ciidamada ayaa horey u dhameystay xukun muddo shan sano oo xarig ah.

Bishii July, 2014-kii ayaa loosoo xiray in uu gaari ku dhejiyey qarax; bishii April, 2018-kii ayuuna dhameystay xukunka lagu riday.

Isla eed lamid ah tii uu shanta sano xabsiga ugu qaatay ayaana loo haystaan kolkaan; waxaase u wehlisay in muddo sanad gudaheeda ah oo dibada uu joogay uu sideed gaari ku xiray waxyaabaha qaraxa.

Sidda ay warisay warbaahinta dowladda, ciidamada ammaanka ayaa Mustaf gacanta kusoo dhigay isagoo fal-dambiyeed qarax ku dhejin gaar ah ku howlan bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii.

Inkasta oo uu ku dooday in Al-Shabaab ay dil ugu hanjabtay hadii shaqadaas u qaban waayo, xeer-ilaalinta oo ku sifeysay "caadeyste fal-dambiyeed" ayaa codsatay in lagu xukun ciqaab xabsi daa'in ah.

Hase ahatee, qareenadiisa oo kasoo horjeestay in lagu sifeeyo "caadeyste fal-dambiyeed" ayaa soo jeediyay in loo naxariisto.

Maxkamadda Ciidamadda ayaa tibaaxdey in ay go'aan kasoo saareyso kiiska Mustaf, wallow aysan shaacin waqtiga rasmiga ah.

Eedeysanayaasha la xukumo falalka la xiriira argagaxisnimada ayaa lagu hayaa xabsiga dhexe ee Muqdisho, halka kuwa kasoo goosta ururka la geeyo xarunta dhaqan-celin ee Hay'adda Sirdoonka ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM