Shaqsiyaadka caanka ah ee lagu la'yahay fatahaadaha Beledwayne

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWAYNE, Hiiraan - Xaalad bini'aadanimo oo aad u xun ayaa ka jirta qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ka gedaal markii Webbiyada Shabeelle iyo Jubba ay qararka jabsadeen.

Tani ayaa waxay keentay in ay ku fatahaan magaalooyinka qaar, iyadda oo xaaladda ugu daran laga soo warinayo gobolka Hiiraan gaar ahaan magaaladda caasimada ah ee Beledwayne.

Tobanaan ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ayaa ku dhimatay, qaar kelana qar iyo ruuxba laguma hayo xili kuwa kale oo boqolaal gaaraya ay ku barakaceen kuna guryo beeleen.

Dadka lagu la'yahay ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaad caan ah, kuwaasoo qaarkood xilal muhiim ah ka haya maamul goboleedka HirShabelle iyo maamul gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Akhriso Magacyadda

1) Sharmaake Khaliif Xassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2) Dahabo Axmed Xassan la-taliyaha Sare ee Arrimaha haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle

3) Khaliif Xassan Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne

4) Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5) Gueleed ibraahiM IT dowlada Hoose Baladweyne

6) Cabdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7) Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) Ganacsatade laakin meydkiisa saakay la helay.

8) Macalin Nuur Ganacsatade

9) Axmed Cali Cusmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade

10) Muscab Xuseen muuto naaquudihii doonida rogmatay

Iyo Wiil yar oo Iskuulka Sheekh Maxamed Macalin ka ahaa Fasalka Afaraad ee dugsiga Sare, kaas oo Magaciisa aan weli la helin.


Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in sababta aan gurmad degdeg ah loo gaarsiin karin Beledwayne ay tahay garoonka diyaaradaha oo daadadku saameeyeen maadaama gargaarka hawada lagu daabulayo.

Ciidamo dheeraad ah lagu soo daabulay xaafadaha si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa dadweynaha loogana hortago dhibaato kale oo baahsan oo ka dhalata mashaqadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM