Sharcigii doorashooyinka Somaliya oo wax laga badalayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo guddi ka kooban xildhibaano hore iyo kuwo ka tirsan Barlamanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaadey kuwasoo loo xilsaarey iney dib u eegaan sharcigii doorashooyinka Somaliya ayaa xogta GO soo gaareysaa sheegeysaa  in wax ka badaleen xeerka doorasho 2016.

Guddigaan oo maalmihii lasoo dhaafey ku kulansanaa magaalada Muqdishu ayaa wararka kasoo baxaya xusayaan inay wax ka badaleen tirada dadka ah ee dooranaysa Qofka musharaxa u ah xubinta xildhibaanka aqalka Hoose. Tiradaan oo aheyd 50 qof ayaa gdudigaan soo gudbinayaan maalmaha soo socda in 11 xubnood laga dhiso kuwasoo sabab uga dhigey in kharashka ku baxaya oo badan.

Mashruuca dhimista kharashka ayaa sidoo kale warar aan la xaqiijin xusayaan in beesha caalamka laga raaridey taasoo la sheegayo in ay wax ka aqbaleen.

Xogaha ku wareegsan kulamada guddigaan ayaa sheegaya in soo jeedintooda u gudbin doonaan Barlamanka Federaalka ah maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo haysa kuwasoo qorshahooda ugu weyn uu yahay sidii wax looga badali lahaa awooda maamul goboleedyada ku leeyihiin sharcigaan.

Isbadalka ugu muhiimsan ee guddigaan qorsheynayaan balse weli ka doodayaan ayaa ah in aqalka sare meesha laga saaro taasoo wararku tibaaxayaan in arinkaan ay diidan yihiin xubnaha guddiga kaga jira maamulada Puntland iyo Jubaland.

Qorshaha isbadalka lagu sameynayo sharcigaan ayaa la rumeysan yahay iney wax ka og-yihiin madaxda sare ee dowlada Federaalka Somaliya taasoo meesha ka sareysa heshiisyadii laga gaarey nidaamka doorasho ee Somaliya.

Wax ka badalista sharcigaan ayaa waxaa sidoo kale dabada ka riixaya beelaha xildhibaandoodu kasoo jeedaan maamulka Koonfur Galbeed halka kuwo kale lagu qanciyey in weli aysan dhameytirneyn maamul goboleedyada sidaas darteed ay adagtahay in waqtigaan la soo dhiso aqalka sare.

Laalista sharciga aqalka sare ee Barlamanka Somaliya kaasoo xubnihiisa ka imaanayaan maamul dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa noqneysa markii labaad taasoo horey ugu qorneyd heshiisyadii Garowe1,2 balse meesha laga saarey iyadoo Madaxweynaha iminka talada haya doorteen aqalka Hoose oo kaliya sanadkii 2012.

Madaxweynaha Puntland iyo Jubland ayaa arinka wax ka badalista heshiisyadaan waxay ku noqoneysaa caqabad siyaasdeed ee kasoo foodsaarta shacabka dagan degaamadaas kuwasoo lagaga iibiyey nidaamka 4.5 iney qaataan dhismaha aqalka sare iyo in xubnaha aqalka Hoose oo ay soo dooran doonaan dad gaaraya 50 xubnood kuwasoo meesha ka saaraya tayo xumada mudanayasha Barlamanka ee hadda jirta.

GAROWEONLINE kala soco wararka kasoo kordha kulamadaas guddigaan.

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM