"Hadii DF ku fikireyso shisheeyaa kuu qabanayo, nalama qaban karo"

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda Soomaaliya hadii ay ku fekerayaan in dalalka caalamka ay faragelin karaan mowqifka mucaaradka ee doorashada 2020 waa waxba kama jiraan, sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa si cad u sheegay "in aysan shaqeyn karin" nidaam doorasho oo aysan kawada heshiin xukuumadda federaalka, maamulada iyo saamileyda.

Hadalkii kasoo yeeray guddiga doorashada ee ku aadanaa in doorashada ugu soo dhow ay dhici karto Maaj 2020 ayuu ku sifeeyay "in uu macnaheedu yahay in aan la ogeyn xiliga doorashadu dhaceyso". "Mana shaqeyneyso".

"Ninka ku fekeraya in uu doorashada faraqa ku haysto arrintaas khatar waaye," ayuu raaciyey, isagoo u muuqda mid fariin u diraya madaxweyne Farmaajo oo wajahaya eedeyn ku saabsan in uu doonayo muddo kororsi.

Hogaanka dowladda federaalka ee "ku fashilmay diyaarinta doorashadda" ayuu ugu baaqay in ay miiska wadahadalka la fariistaan saamileyda.

"Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey'adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen," ayuu ka sheegay munaasabad ay madasha ku xustay Todobaadka Xoriyadda.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey'adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay in "dowladdo shisheeye" ay saameyn ku yeelan karaan mowqifkooda coddeynta.

"Hadii dowladdu ku fekereyso dowlado shisheeyaa dadka kuu qabanayo nalama qaban karo, haddey ku fekerayaa ciidamaa idin tababaran, kuwa kalaa idin imaanaya AMISOM joogto mustaxiil, sharcigaa na qaban kara, gacmaheena waa isa saaran yihiin anagaaba isa saareyna sharciga bis, sharcigan qabyada ah buugaas yar dastuurka, kaasoo wada ogol nahay," ayuu xusay, isagoo meesha ka saarey in ay doonayaan "qabiil, fowdo iyo colaad".

Dhanka kale, Shariif ayaa mar kale ka gaabsaday go'aanka la isku khilaafay ee Golaha Shacabka uu kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir, kaas oo maamul goboleedyadda waddanka ay si adag uga soo horjeesteen.

Xeerkaan waa mid kamid ah afar kale oo loo gudbiyey Aqalka Hoose kaas oo xudun u ah is-mari-waaga ku geedaaman doorashadda soo aadan, waxaana uu mugdi geliyey qabsoomida Shirka dowladda iyo maamul goboleedyadda dalka.

MUUQAALKA SHEEKH SHARIIF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM