Shariif Xasan oo isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Adaan ayaa isku soo sharxay xilka, isagoo raadinaya dib u doorasho.

Doorashada soo socota oo ka dhici doonto Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay noqoto mid adag, maadaama musharaxiin badan uu damac kaga jiro xafiiska ugu sareeya maamulkaasi.

Shariif Xasan oo afartii sano ee lasoo dhaafay soo ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa wajahaya tartanka adag, xilli siyaasiyiin miisaan leh ay u xusul duubayaan kursiga Madaxweyne.

Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha November ee 2018, oo ka harsan labo bilood, waxaana lagu soo waramayaa in si aad ah loo adkeeyay amaanka, maadaama olole uu soconayo.

Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa kulan gaar ah la qaatey Khamiistii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo uu ugu warbixiyay wax-qabadka Xukuumaddiisa mudadii afarta sano ee ay jirtay.

"Waxaan sameynay wax badan, waxaana wali isku dayaynaa inaan wax badan oo kale qabano, kana dhigno Koonfur Galbeed meel nabad iyo barwaaqo ah. Waxaan qorsheynaynaan inaan qabano doorasho sanadkan, aniguna waxaan kamid yahay Musharaxiinta," ayuu yiri Shariif Xasan.

- Taariikhda Shariif Xasan -

Madaxweyne Shariif Xasan waxa uu ku dhashay gobolka Baay 1946 [54 sano jir], waxaana uu kusoo biiray saaxadda siyaasadda dalka 2004, xilligaasi oo uu noqday Afhayeenka Baarlamaanka dowladdii KMG.

Xilkan wuxuu hayay tan iyo 2007.

November 2014, waxaa loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana isagoo haya xilkan isku soo taagey xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2017, balse lagu celiyay nidaamka 4.5, kadib markii Jawaari loo doortay Afhayeenka Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM