Sheekh Shaakir oo ka hadlay jiritaanka khilaaf kala dhaxeeya Xaaf

Image

DHUUSAMAREEB - Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa xukuumada ay isku khilaafeen baaqii Farmaajo ee wadahadalka ayaa waxaa si kulul uga hadlay Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekh Shaakir oo war-fidiyeenka kula hadlay Dhuusamareeb, ayaa gaashaanka ku dhuftay warkaas, isagoo ku adkeystay in go’aamada ay qaadanayaan ay yihiin kuwa ay kawada tashadaan, islamarkaana dhinac gaar ah uusan go'an iska qaadan karin.

“Waxaad ogtihiin in idaacadaha qaar ay dhaheen way is-khilaaftay Galmudug….Galmudug waa hal mid, Madaxwaynaheeduna waa Axmed Ducaale Geelle [Xaaf]…Mawjadaha dhagarta ah iyo inaan gacmaha is-qabsano waa laga maarmaan,” ayuu xusay Sheekh Shaakir.

Dhinaca kale, Sheekh Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug, kaasi oo ay ka shaqeysay dowlada Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD kaliya inuu si rasmi ah loo dhaqan-geliyo ay ka harsan tahay in ciidamada hal talis loo sameeyo.

“Degaanka Galmudug waa mid lama tab-taan ah…Midowga ay midoobeen Ahlu Suna iyo Galmudug, qoraalka ay wada qorteen waxaa ka dhiman kaliya inay ciidamada isku daraan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxa Xukuumada Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir.

Hadalkaan oo kusoo aaday xili qoraal xafiiskiisa kasoo baxay horaantii isbuucaan uu kusoo dhaweeyay gogosha uu fidiyey Farmaajo iyo wadaxaajood uu ugu baaqay maamulada ayaa keentay shaki la geliyo xiriirka isaga iyo Madaxwayne Xaaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM