Shaakir oo lagu dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Xildhibaano taabacsan Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqay in Sheekh Maxamed Shaakir ay u doorteen madaxweynaha Galmudug kadib coddeyn ka dhacday Dhuusamareeb.

Talaabadan oo xoojineysa cabsida laga qabo in maamulku yeesho hogaan iska soo horjeeda ayaa ka dambeysay markii uu meel xun gaarey khilaafka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baqdinta ayaa Arbacada maanta ah meeshii ugu sareysay gaartay kadib markii guddiga doorashada xukuumadda iyo Ahlu Sunna ay dardargeliyeen dhaqdhaqaaqyadda ay kawadaan Dhuusamareeb.

Garabka xukuumada federaalka ayaa dhageysatay khudbadaha siyaasiyiin uu kamid yahay murashaxa "ay maal-gelineyso" Villa Soomaaliya. Berri ayay dooran doonan madaxweyne iyo ku xigeen.

Guddiga ay magacaabatay Ahlu Sunna ayaa qabtay doorasho natiijada kasoo baxday lagu sheegay in Shaakir loogu coddeeyay in uu afarta sano ee soo aadan hogaamiyo dowlad goboleedka.

Geesta kale, madaxweyne Axmed Ducaale Geelle "Xaaf" ayaa koonfurta xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo kawada qaban-qaabada doorasho kale.

Murashaxiinta mucaaradka oo horey kaga digay in ay soo baxaan arrimahaan ayaa ku adkeystay baahida loo qabo wadahadal iyo is-qanci si loosoo afjaro ismaandhaafka.

Beesha Caalamka oo war qoraal ah ku muujisay dhexdhexaadnimo ayaa darafyadda ku boorisay in ay sameeyaan tanaasul si loo helo maamul loo dhan yahay oo ay ka faa'iidaan bulshadda Galmudug.

MUUQAALKA SHAAKIR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM