Shil Gaari oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil gaari oo geestay khasaaro ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ciisaley, kadib markii uu rogmaday Gaari nooca xamuul ah oo caano kasoo qaadey Ceel-Macaan, oo kusoo jeeday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe u xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 9 qof oo rag iyo dumar isagu jira, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Keysaney.

"Gaariga ayaa ku socday xawaare sare, iyadoo aan haysan wado nadiif ah, waxaana darawalka uu sameeyay mas'uuliyad darro oo dadka rakaab ah naftoodii halis geliyay", ayuu yiri ninkan oo magaciisa ka gaabsaday.

Shilka kadib, goobta waxaa gaarey dadka deegaanka oo u gurmaday dhaawacyada, oo ay usoo qaadeen Isbitaallada magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM