Shir caalami ah oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir caalami ah oo looga hadlay xaaladda bi'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu qabtay xarunta Xalane ee ay degan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Markii uu dhamaaday Shirka, ayaa waxaa laga soo saarey bayaan ay dowladda Soomaaliya iyo QM ku dalbanayaan 80 Milyan oo Dollar si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka dalka ku dhuftay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Isku-xiraha arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Peter de Clercq ayaa si wadajir ah u shir-gudoomiyay Kulanka.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta dadka ay saameeyeen Fatahaadaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabanayo dhinaatooyinka bini'aadanimo.

Dhinaciisa Peter de Clercq, ayaa ugu baaqay deeq-bixiyaasha in sida ugu dhaqsiyaha badan ay lacagtaan usoo gudbiyaan, si buu yiri loo gaarsiiyo dadka ubaahan gargaarka.

Lacagtaan ayuu tilmaamay in la siin doono dadka ku nool xer-yaha barakac-yaasha ah, adeegyadda aas-aasiga ah, sida Iskuulada, Cunada, Amaanka, Gadiidka, Biyo iyo in loo sameeyo dadka dhiban deegaan nadaafad leh.

In ka badan 4 Milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ayay saameysay Fataahadaha ka dhashay Roobabka lagu sheegay inay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee ka da’a dalka 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

In ka badan 750,000 qof ayaa saameeyey fataahadaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo 229,000 kamid deegaanadooda ka barakacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM