Shir ku saabsan wada-hadalka DF iyo Somaliland oo lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga wada-hadaladda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Muqdisho kula kulmay wax-garad la sheegay in ay metelayaan maamulka Hargeysa.

Mas'uuliyiin ka tirsan Guddigan oo dhowaan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankaan uu horudhac ah u yahay shir mustaqbalka dhow dhexmara labadda dhinac.

Wada-xaajoodyadda Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

Sabtidii, 21-ka December, 2019, waxay ku beeg-neyd markii ugu dambeysay oo hoggaamiyayaasha labada dhinac ay fool-ka-fool isu soo hor fariistaan kadib dedaalo badan.

Kulanka oo ka dhacay caasimadda Jamhuriyadda Djibouti waxaa ku marti-geliyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labadda hoggaamiye ee xilka hayay waxay qalinka ku duugeen heshiis ka kooban lix qodob. Wuxuuna ahaa kulankii ugu dambeeyay ee rasmi ah oo ay ergooyinka labada dhinac isu arkaan.

Tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen, madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, wuxuu mid walba ku adkeysanayey in ay ka go'an tahay wada-hadaladda, balse ma jirin talaabo.

Diblumaasiyiin dusiyey in leysku raacay in ay dhacaan wada-hadaladda ayaa sheegay in lagu muran-san yahay meesha lagu qabanayo, iyaddoo ay jiraan dowlado badan oo xiiseynaya.

Sababtaan ayaa lagu sheegayaa in ay qayb ka tahay waxyaabaha dib-u-dhaca ku keenaya in dib loo furo wada-hadalka.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxayna Beesha Caalamka u aqoonsan tahay maamul xubin ka ah federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM