Shir looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay Washington [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta Peace Institute ee Mareykan-ka waxaa galinkii dambee shaley lagu qabtey shir looga hadley sidii Somalia looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay ee gaarayo 5 Billion.

Waxaa kulankaasi kasoo qeybgaley saraakiil ka socdey, Hayada Lacagta Aduunka, Bangigga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Arimaha dibadda ee Mareyknaka, bangigga Aduunka iyo deeq bixiyaasha caalam-ka.

Shirkaasi waxaa looga dhagaystey warbixin ku saabsan xaalka Somalia iyo waxey u rabto dowlada Somalia in deenta laga cafiyo wasiirka Maaliyad Somalia, Cabdiraxmaan Beileh.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kula yeelanayay Washington madax sare, oo ay kamid ahaayeen Saraakiisha Bangiga Adduunka iyo IMF, oo arrimaha deyn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM