Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo.

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shir ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee dalka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdirashiid Xasan Nuur "Janan", wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Shirka uu daah-furay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Waxaa sidoo kale kulan lagu casuumay Wasiiradda amniga maamul goboleedyada dalka, waxaana looga hadlayaa sidoo la isaga kaashan lahaa sugida amaanka Soomaaliya, iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al Shabaab.

Inta uu socdo Shirkan waxay madaxda isla eegi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee loo wajaho Al Shabaab, islamarkaana mas'uuliyadda amniga loogu wada shaqeyn lahaa, maadamaa AMISOM ka bixitaankeeda Soomaaliya uu billaabanayo Dec 31, 2017.

Waxaa la filayaa in gaba-gabada Kulanka ay sooo waaraan Wasiirada amniga qodobada ay ku heshiiyeen ee dhinac amniga ku saabsan, iyadoo dhaqan-gelintiisana loo saari doono Gudi ka shaqeeya, sida illo ku sugan Kismaayo ay u sheegeen GO.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM