​Shirka Istanbul oo lasoo gabagabeeyay

Image

ISTANBUL- Shirka looga hadlayay arrimaha Somalia ee kasocday dalka Turkiga gaar ahaan magalada Caasumadda ah ee Istambul, ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu taageeray hanaanka loo marayo doorashada dalka ka dhacaysa 2016. 

Kulankan oo labo maalin qaatay, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda Somalia marayso iyo hormaradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dhinacyada amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana go'aamadii kasoo baxay lagu ammaanay in Somalia ku jirto tubtii hormarka iyadoo ay jirto dhibaato baaxad leh gaar ahaan falalka dhinaca argagixisada. 

shirkan oo loogu magac daray madasha 6-aad ee heerka sare ee Somalia iyo bulshada caalamka, waxaan maxsuulkii kasoo baxay ka waramay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye oo la hadlay VOA. 

Hadliye, ayaa sheegay in la taageeray sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka sanadkan 2016, isla markaana Caalamka uu garwaaqsaday horumarka xoogan ee Soomaaliya sameysay, hadii ay ahaan laheyn la dagaalanka Argagixisada, isu keenida dadka Soomaalida, sameynta maamul goboleedyada. 

Kulanka Istanbul oo isugu yimaadeen madax kasocota dowladda Somalia, maamullada qaybtood iyo Ergooyin kasocota 50 dal, waxaa ka maqnaa maamulka Puntland iyo Somaliland oo sheegay inaysan quseyn maxsuulka kasoo baxa. 

Nidaamkan la taageeray ee 4.5, waxaa horay u qaadacay maamulka Puntland, waxaana taageeradan sii xoojinaysaa muranka ka taagnaa ku noqoshada habka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM

Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 10:41AM