Shirka maamul u sameynta G. dhexe oo bisha March furmaya

Image

February 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyey waqtiga uu furmi doono shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey shalay magaalada Dhuusomareeb booqdeen, wuxuu sheegay in shirku ka dhici doono degmada Cadaado si toos ahna u furmi doono kowda bisha March ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xarunta maamuka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug loo sameynayo ay noqon doonto degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Dowlada Federaalku taageersan tahay dadaalada dadka gobolada dhexe ugu jiraan inay maamul sameystaan isagoo intaas raaciyey in dowladu taageeri doonto maamul kasta oo buuxiyey shuruudaha uu dastuurku dhigayo.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aaddey todobaad kadib markii uu magaalada Muqdisho kusoo gaba gaboobey shir dhex maray dowlada Muqdisho, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolada dhexe qaarkood ayaa ka carooday shirkaas oo sida ay ku doodeen ahaa mid aan loo dhameyn maadaama aan laga qayb gelin gobollada dhexe gaar ahaan maamulka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM