​Shirka madasha wadatashiga oo Muqdishu ka furmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia goordhaweyd ka furmay shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo doorashada waddanka ka dhici doonta dabayaaqada sannadka 2016, waxaana diiradda lagu saari doonaa ajandayaal kala duwan.

Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulanka furay, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiinta maamul goboleedyada iyo xubno kale.

Shirkan oo dhawr cisho socon doona ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan hogaamiyaasha dalka ee ku saabsan marxaladda kala guurka ah.

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh oo furitaankii ka hadlayay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay kasoo bixi doonaan qodobo  wax ku ool u ah bulshada.

Kulankan ayaa noqon doona mid xasaasi ah, waxaana la filayaa in ajandayaasha lagu daro qoondada gobolka Banaadir iyo farogalinta lagu sameeyay odoyaasha dhaqan ee soo xulaya Barlamanka iyadoo sidoo kale la filayo in laga hadlo Aqalka sare oo ilaa hadda howshiisa la galin.

Faah faahinta waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeenna dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM