Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirkii 3aad ee Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay maanta oo Isniin ah Aqalka Martida ee caasimadda KMG Jubbaland, ahna xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Madaxwayneyaasha maamuladda; Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland ayaa xaadir ku ah shirka, halka la filayo inuu saacadaha soo socda uu kusoo biiro hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo dib uga dhacay waqtigii loo mududeeyay.

Ajandayaasha ugu waa wayn ee shirkaan lagu gorfayn doono ayaa kala ah; xiriirka sii xumaanaya ee madaxda maamulada qaar kala dhaxeeya dowladda Federaalka, heshiisyo ay horey ula saxiixdeen xukuumadda iyo qodobo kale oo amaanka ugu horeeyo.

Sida laga soo xigtay xubnaha qaban-qaabadda shirka, waxa uu socdoonaa kulan madaxeedkaan saddexda maalin ee nagu soo food leh, waxaana gabagabada laga soo saari doonaa War-murtiyeed kaasoo ay ku cad-yihiin qodobadda looga hadlay kulanka.

Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, iyo AMISOM ayaa sugaya amaanka Aqalka Martida ee uu shirku ka socdo, waxaana lagu soo daabulay dhamaan wadooyinka soo gala halka uu shirku ka dhaceyo ciidamo badan.

Shirkaan maanta Kismaayo ka furmay ayaa imaanaya xilli uu gabagabo ku dhow yahay muddo xileedka qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda; Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waa markii labaad oo Kismaayo marti-geliso shirka Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda xubinta ka ah DFS xili ay tahay goobta lagu aas-aasay madashaan taasoo la sameeyay Bishii October ee sanadkii tegay ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM