​Shirka Wasiirrada Somalia oo gordhow ka furmay magaalada Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Dhammaan golaha xukuumadda Somalia oo uu hogaaminayo Xasan Cali Khayre, ayaa shalay gaaray magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Socdaalkaas oo la xariiray inay Kismayo ku qabsadaan shirka Khamiislaha ah ee golaha xukuumadda, ayaa lagu wadaa inuu furmo goordhow.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in kulankaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa shirkii ugu horeeyay ee wasiirrada Somalia ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdishu.

Tallaabadan waxaa durba soo dhaweeyay maamullada Puntland iyo Jubbaland iyagoo sheegay inay ka marag kacayso sida xukuumaddan ugu soo dhawaanayso maamullada dalka iyo shacabka intaba.

Dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Khayre ayaa horay u ballan qaaday inay dowladda gaarsiin doonaan waddanka oo dhan, waxayna hada wadaan qorshayaal ay xafiisyo kaga furanayaa xarumaha maamul goboleedyada qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM