Shirkadda DP World oo laga mamnuucay Soomaaliya [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qaraar cusub oo ku aadan Heshiiskii Somaliland dhawaan la saxiixatay Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraarka dalka looga mamnuucay inay ka howlgasho Shirkadda DP World, oo heshiiskii ay la gashay Somaliland Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre kusoo horjeysatay dhawaan.

Kulanka koowaad ee Kalfadhiga 3aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maanta soo xaadireen 170 Xildhibaan ayaa waxay ku ansixiyeen go'aanka DP World looga mamnuucay dalka.

Sida ku xusan Warqadda Baarlamaanka, Kulanka oo uu Shir gudoomiyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa qaraarkan u codeeyay 168 Xildhibaan, hal ayaa diiday mid kalena waa uu ka aamusay.

Qaraarkanka ayaa sugaya inuu maro Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iyadoo sidoo kale la filayo in ugu dambeynta uu Madaxweyne Farmaajo kusoo saaro faafinta rasmiga ah.

Xubnaha Gollaha Aqalka Sare oo wakiillo ka ah dowlad goboleedyada dalka ayaa suurta-gal ah inay wax ka bedel ku sameeyaan go'aanka Gollaha Shacabka ee DP World looga joojinayo maalgashiga dalka ay ka wado.

Go'aanka Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Farmaajo la filayo in Todobaadka soo socdo uu booqasho ku tago dalka Qadar, oo ay xiriirka u jareen bishii June 5, 2017 Imaaraadka iyo Sacuudiga. Halkan ka akhri.

Dowladda Qadar ayaa sanadkii tagey u balan-qaadey Dowladda Federaalka Soomaaliya $200 oo Million oo Dollar, oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed.

Hoos ka akhiriso Qoraalka Baarlamaanka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM