Sidda dhaqanka Soomaalida "caqabad ugu yahay ka hortaga Corona"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkastoo wasaaradda caafimaadka ay qirtay in waddanka uusan lahayn awood uu kula tacaalo hadii uu gudaha ka dilaaco, haddana waxay rajeysay in wacyigelinta dadweynaha ay caawiso.

Illaa iyo haatan, Muqdisho ayaa laga soo sheegay saddex kiis oo caabuqaas ah. Mid kamid ah waxaa laga helay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa daaha ka rogtay in dhamaan shaqsiyaadkaas ay xaaladoodu fiican tahay ayna ku jiraan karantiil.

Balse, waxaa sareysa cabsida laga qabo bulshadda oo aan si weyn ugu buraarugsaneyn xanuunka, taas oo keentay in qaarkood aysan u dhaganuglaan talooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.

Talooyinka caafimaad qeybtooda waxaa caqabad ku noqdey dhaqanka Soomaalida, oo ay kamid tahay; gacan-qaad, wada-sheekeysi joogto ah iyo bukaanka oo aan laga fogaan.

Dr Cusmaan Maxamuud Dufle, xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in meesha laga saaro arrimahaas, ayaa fariin u diray dadweynaha.

"Dhaqanka Soomaalida waxa waaye qofka sidoodaba qofka hadii uu cudur ku dhaco iskama duruq-sadaan, qofka markii uu ehel yahay waxaad moodaa in qofka hoosta laga galo oo loo naxo oo lala caadifoodo, maya, waxaa loo baahan yahay cudur safmar, guriga hadii uu qof lagu arko uu marinaayo oo isla markiiba wixii u dhow iyo wixii taabtaba ama uu ku neefsado meel u dhow hadii uu joogo, waxaa loo baahan yahay Soomaalida caadifadaas in ay iska ilaaliyaan, waxaa loo baahan qofka hadii lagu arko in aan loo dhawaanin, lana taaban maxaa yeelay gacmaha, afka, sanka iyo indhaha ayay u gudbin karaayaan, cudurka halkaas ayaa laga qaadi karayaa," ayuu ka shanqariyey.

Shacabka ayuu ku booriyey in ay la xiriiraan Wasaaradda Caafimaadka hadii xubno ka tirsan qoyskooda ku arkaan xanuunka si loo gooniyeelo isla markaana xaaladiisa caafimaad aad loola socdo.

"Marka la leeyahay qofka waa la karan-tiilayaa macnaheedu ma ahan in qofka la ciqaabayo, waxaa laga fekerayaan caafimaadkiisa, bulshadana uusan dhibaataynin," ayuu caddeeyay.

Fayruska Corona ma waxaa kaliya u dhinta da'da ah?

"Waa run badi dadka ugu dhintay Talyaaniga waa dad da' ah, taas macnaheedu ma ahan dadka kale ee dhexdhexaad ah ama dhalinyarada [in uu dhaafayo] laakiin sidda WHO iyo culimada caafimaadka soo tabiyeen, dadka difaacooda uu fiican yahay waxaa laga yaabaa in ay ka badbaadaan, baa la yiri, kuma dhici karayo lama dhihin," ayuu mudanaha hoosta ka xariiqay.

Dalalka caalamka ee uu geerida ugu badan ka sababay caabuqa waxaa lasoo wariyey in ay ku jiraan shaqsiyaad dhalinyaro ah.

Cilmi-baaris ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka Talyaaniga ayaa daboolka looga qaadey in 99% dadka badi u dhimanaya cudurka ay yihiin kuwa horey u siday xanuunno kale tusaale ahaan sonkorta.

Senatorka oo sharaxaya saddex xaaladood uu ku imaan karo Covid-19 ayaa ku kala sheegay; xaaladda koowaad waa in qofka uu sido cudurka balse kaliya la ogaado marka baaritaan lagu sameeyo.

Xaaladda labaad ayuu in qofka ay si daciif ah kaga soo muuqdaan astamaha, balse uu ka bogsoon karo, isagoo kaashanaya difaaciisa.

Mar-xalada saddexaad oo ah tan ugu xun isla markaana qofka uu u dhiman karo ayaa ah marka ay qofka kasoo ifbaxaan dhamaan calaamadaha, balse geerida waxay ku xiran tahay hadii ay hooseyso difaaciisa.

"Balse, inta lagu guda jira xaaladahaan hadii qofka uusan gelin muddo huuriska oo 14-maalmood ah waa gudbin karaa, waana sababta loo yiri hala joojiyo safarka," ayuu carabka ku adkeeyay Dr Dufle.

Rajada illaa iyo hadda laga rabo in cudurka lagu soo afjaro mustaqbalka dhow aad bey u hooseysaa, sababta waxaa lagu sheegay in wali aan wali la helin daawadii lagula tacaali lahaa marka laga reebo talaal lasoo saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM