Sidee Al-Shabaab ugu suurta-gashay weerarka Wasaaradda Arrimaha Gudaha?

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar xooggan, oo saaka Al-Shabaab ku qaadey dhismaha Otto-Otto, oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Macluumaadka uu helay Garowe Online ayaa sheegay in mas'uuliyiin katirsanaa labada wasaaradood in lagu dilay weerarkan, oo ku billowday qarax Gaari oo ka dhacay barta-koonatatarool ee laga gala dhismaha, kadibna ay u gudbeen dagaalyahano hubaysan gudaha Wasaaradda .

Illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa weerarka lagu dilay Maxamed Axmed [Ilka-Case], oo kamid ahaa saraakiisha Wasaaradda arrimaha gudaha, horeyna usoo noqday xogheynta Wasiirkii hore ee arrimaha Cabdiraxmaan Odawaa.

Maxamed Axmed [Ilka-Case]

Sidoo kale labo agaasime waaxeed oo ka kala tirsanaa Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo amniga ayaa kamid ah dadkii dagaalayahanada Al-Shabaab ay gudaha ku dileen, iyadoo kuwa kale ay dhaawacyo soo gaareen markii ay daaqadaha iyo derbiyada ka boodeen.

Waxaa jira mas'uuliyiin kale iyo shaqaale aan wali la shaacin oo ku geeriyooday weerarka.

Su'aallo ayaa la iska waydiinayaa qaabka ay dagaalyahanada Al-Shabaab ugu suurta gashay inay kasoo gudbaan baraha-koonatarool ee la yaalla gudaha Muqdisho, oo ay ku gaareen xarunta Otto-Otto, kadibna ay fuliyeen weerarka khasaaraha badan dhalilay.

Wararka ayaa sheegay in illaa 5 dagaalyahan oo ku lebisan dareeska Ciidamada dowladda ay gudaha u galeen dhisamaha kuwaasi oo mudo ku dhaw laboo saacadood ka dhex-dagaalamayay, iyagoo dilay dhowr qof oo shaqaalaha dowladda ahaa.

Waxaa la sheegay in kuwa weerarka geestay ay wateen gaari nooca SURF ah, iyagoo baraha koontarool ee Ciidamada uga soo gudbeen aqoonsiyo [ID cards] muujinaya inay katirsan yihiin Ciidamada dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda amniga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Daahir Maxamuud Geelle, oo Saxaafadda ugu warbixiyay weerarka ayaa sheegay in lasoo afjaray islamarkaana xaaladda ay caadi kusoo laabatay, isagoo ka gaabsaday inuu ka warbixiyo khasaaraha.

Inta ilaa hadda la ogyahay ee lagu dilay Weerarkan waxay gaarayaan 10, iyadoo dhacdadan ay ka tarjumayso sida ay wali u jilicsan yihiin laalamaha amniga dowladda, oo ku fashilmay inay helaan xogta qaraxyada noocan ah kadibna ay kahor tagaan.

- Muqdisho oo bil kadib marti-gelisay Tiiraanyo -

Qaraxyadaan ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo tan iyo bishii Ramadan aysan ka dhicin Muqdisho Qaraxyo sidaan u abaabulan, islamarkaana khasaaro tiradaan la eg geysta, inkastoo ay ka dhacayeen kuwa yar-yar, iyo dilal qorsheysan.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyo Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa dhawaan sheegay in talaabadaan ay tahay mid ay mudan yihiin looga mahad-celinayo ciidamadda Xasilinta caasimadda oo ay sheegeen inay shaqo adag qabteen.

Weerarkaan ayaa wuxuu kaloo imaanayaa iyadoo lagu waday in Lixda bilood ee soo aadan lagu wareejiyo amaanka caasimadda ciidamo Boolis ah, kuwaasoo la tilmaamay in dhawaan lasoo tababari doono, islamarkaana qalabayn casri ah lagu sameyn doono.

Xarunta Otto Otto oo taalla Aag kamid ah kuwa ugu muhiimsan Muqdisho, ayaa waxay qiyaastii wax ka yar 1-KM ay jirtaa Madaxtooyadda Soomaaliya, iyadoo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta uu ku shiro Golaha Shacabka ee sharci dejinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM