Sidee go'aanka BF u saameynayaa shirka dowlada iyo maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah meelmariyey xeer gobolka Banaadir siinaya metelaad 13 xubin oo kamid ah Aqalka Sarre ee soo aadan.

Tiradan ayaa wadarta xubnaha Senate-ka ka dhigeysa 67, maadaama horey u ahayd 54. Dastuuriyan golahaan wuxuuu metelaa maamulada.

Xeerkaan waa mid kamida saddex xeer kale oo ay kamid yihiin; Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi. Maamulada iyo xisbiyadda oo diidey ayaa qeexay "kuwa aan dastuuri ahayn".

Xilli xeerarka gobolada waqooyi iyo qoondada haweenka horey loo mariyey, ansixinta maanta ayaa imaaneysa xilli qorshuhu ahaa in ay dhowaan Muqdisho ku kulmaan madaxda maamulada iyo dowladda federaalka ah.

Muranka ka taagan xeerarkan ayaa xudun u ah is-mari-waaga iyo caqabadaha ku geedaaman coddeynta 2020-21 oo guddiga doorashooyinka isla maanta shaaciyey in aysan ku dhici karin waqtigii horey loogu balan-sanaa.

Kulan dhanka Internet-ka ah oo 22-dii bishaan June ay yeesheen madaxda dowladda iyo maamuladda ayaa leysku raacay in xeerarkaan ka joojiyo illaa hogaamiyeyaasha ay si fool ka fool ah uga wada-hadlayaan.

Sidoo kale, madaxda ayaa isla meeldhigtay in dib loo dhigo warbixintii Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo la isku afgartay in uu muddeeyo goorta iyo goobka shirka ayaa si lamid ah loo xil-saarey in uu fuliyo go'aanadas.

Laba maalmood kadib, 24-kii bishaan June, sidda laga soo xigtay Villa Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in Shirka Amniga Qaranka uu qabsoomayo inta u dhaxeysa 5-8 July.

Ajendaha shir-madaxeedkaas waa; arrimaha doorashooyinka soo aadan, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha waddanka.

Lama ogga qaabka uu u qabsoomayo shirka maadaama ay muuqaneyso in dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ka fuli waayeen qodobadii sidda horudhaca ahaa ugu heshiiyeen madaxda kulankooda qadka Internet-ka.

Maxaa dhici kara?

Qaar kamid ah Xildhibaanadda iyo wasiiradda ka tirsan xukuumada hadda jirta ee kasoo jeeda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa banaanka ka istaagay kulankii lagu ansixiyey xeerka oo ay sharci darro ku sifeeyeen.

Mas'uuliyiintan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada kasoo jeeda HirShabelle iyo Galmudug in ay sheegteen gobolka Banaadir.

Talaabo caddeyneysa in Villa Soomaaliya ay gadaal ka riixeysay, madaxweyne Farmaajo ayaa u dabaaldegay soona dhaweeyay ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir, isagoo u mahadceliyey Xildhibaanada.

Tani ayaa mugdi sii karin karta shirka uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyadda, kaas oo ku yimid cadaadis ay Villa Soomaaliya kala kulantay Mareykanka oo ku aadan xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Puntland oo 25-kii bishaan June soo saartay war qoraal ah kuna celisay mar kale diidmadeeda xeerarka ayaa xustay in ay qaadan doonto go'aan kasta oo dastuurkeeda u ogolaanayo hadii xal laga gaari "xaalada cakiran".

Maamulka oo wax laga xumaado ku tilmaamtay in aan la tixgelin go'aanadii shirka internet-ka ayaa ku goodiyey in uu fulinayo go'aan kale oo kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga ee 15-17 Maaj ka dhacay Garowe.

Jubbaland oo isla taariikhdaas war-saxaafadeed soo sartay ayaa ku adkeysatay in ay aqbali doonin xeer kasta oo aan marin habraaca xeer-dejinta dalka.

Mustaqbalka doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya ayaa muuqaneysa in uu mugdi jiro isla markaana ay sii kala fogaanayaan maamulada iyo dowladda oo aysan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn sanadihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM