Qaabka Soomaaliya uga bixi karto jahwareerka bilashada bisha Shawaal?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudaha Soomaaliya, dabaaldegga Ciidul Fidriga ee sanadkan waxaa hareeyay "jahwareer" kadib markii saacado gudahooda ay dowladdu kasoo saartay dhalashada bisha Shawaal hadalo is-burinaya.

Qaybo kamid ah dalka oo ay ku jirto caasimadda, inkasta oo ay jireen dad aan afurin, shalay oo Sabti ahayd ayaa laga ciiday, halka kuwa kalena ay maanta oo Axad ah u dabaaldegayaan "Ciid-yareyda".

Ciidayaasha maanta ayaa cuskanaya hadalo iska soo horjeeda oo saacado gudahooda ay kusoo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka, iyagoo shaki geliyay go'aanka dambe.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka wasaaradaas iyo culimo kale, ayaa abaare kowdii fiidnimo u sheegay dadweynaha in aan la arkin bisha; hase ahaatee, saqdii dhexe ayay mar kale ku dhawaaqeen in laga arkay meel kala duwan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo ka falceliyey "jahwareerkaas" ayaa soo bandhigay qaabka loo bixi karo.

"Waxaas oo jahwareer ah waxaa looga bixi karaa hay'ad sharci ah oo garsoorka hoostagta oo howlahaas qaabilsan," ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay. Hay'addan ayaanan ka jirin dalka, wallow dowladaha Islaamku leeyihiin.

Qaar kamid ah dowladaha Islaamka ayaa si lamid ah shalay u ahayd Ramadan, taas oo la macno ah in maanta ay u dabaaldegayaan Ciidul Fidriga.

Siyaasiga ayaa intaas ku daray in Hay'adda loo baahan yahay in ay xubin ka noqdaan culimo iyo khuburo ku xeel-dheer Cilmu-falaga [Cilmiga xidigaha], kana fogaadaan arrimo la xiriira siyaasadaha iska soo horjeedo.

"Sidaa la socotaan Salaadaha aan tukano, soonka iyo afurka waxaan ku soonaa kuna afurnaa waqti; waqtigaasna wuxuu ku saleysan yahay Cilmu-falaga; marka sidaas daraadeeda in aan isku wareerno looma baahna, waxaa loo baahan yahay in ay jirto jiha rasmi ah oo hay'ad qadhaa'i ah oo gobolada iyo maamulada oo dhan ay kawada jiraan oo siyaasadda ka madax-banaan oo jiha diini iyo sharci ah leh oo iyadda qaabilsan oo iyadda sameysata xariga bisha Ramadan si looga baxo jahwareerka hadda na qabsaday," ayuu raaciyey Warsame.

Inkasta oo sanadihii ugu dambeeyay ay muuqaneysay in laga sii gudbayo, kala qeyb-sanaanta ku aadan curashada bisha Shawaal ayaa horey uga jirtay Soomaaliya, waxaana mar kale muuqaneysay in ay dib u soo cusboonaatay.

MUUQAALKA SIYAASIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM