Sirdoonka Soomaaliya oo "lumiyey" kalsoonida saaxibada caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah sirdoonada dalalka caalamka ayaa hoos u dhigay in macluumaadyadda xasaasiga ah la waddaagaan mukhaabaraadka Soomaaliya, sidda lagu daabacay Military Times.

Sidda lagu sheegay warbixinta, sababta waxay tahay Al-Shabaabka ku dhex-milmay hay'addaha ammaanka Dowladda federaalka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaxiibada caalamka ay cadaadis ku saarayaan madaxda Soomaaliya in ay xaliyaan arrintaas.

Khubarada nabad-gelyadda ayaa rumeysan in dhex-galka Al-Shabaab ee laamaha ammaanka ay carqalad ku tahay in la ciribtiro kooxda.

Cabdalla Axmed Ibraahim, oo ah falaqeeye arrimaha ammaanka gobolka ah, ayaa qiray in dhexgalka argagixisada ee hay'adda NISA ay wiiqeyso dedaalda caalamiga ah ee lagu tirtirayo maleeyshiyaadka.

Hay'adda NISA ayaa la sheegay in ay soo dhaweysay dagaalameyaal badan oo Al-Shabaab, taasoo "bar-madow ku noqoneysa shabakada".

Dhexgalka Al-Shabaab ee laamaha amniga ayaa la tilmaamay in ay u sahashay in ay helaan xogo muhiim ah oo ay ku duulaan tagi karaan.

Intaas waxaa wehlisa, waxaa la tibaaxay in ay sidoo kale u adeegsato ganacsatada si ay kaga qaado lacago baad ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqdey in ay baareyso ilaha ay dakhliga ka hesho iyo habka canshuuraha kooxda argagixisada ah.

Tirada dhabta ah ee xubnaha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in ay gaareyso lix kun, waxaana badankooda ay ku sugan yihiin degaanada miyiga ah ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM