Sirta ka dambeysa riyada Farmajo ee doorashooyin qof iyo cod ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka Aqalka Hoose ayaa waxay meesha ka saartay ra'iisul wasaare Khayre si ay u fulisay riyada Farmaajo oo ah doorashooyin qof iyo cod ah.

Isagoo go'aanka Aqalka Hoose ku tilmaamay "mid sharci darro ah oo aan dastuurka waafaqsaneyn," Khayre ayaa warbaahintiisa gaarka ah u sheegay in uu is-casilay si uu u ilaaliyo midnimada iyo xasiloonida.

Iyaddoo Ku xigeenkiisii Mahdi Maxamed Guuleed oo la safan oo ku feker ah Madaxtooyadda laga dhigay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah, riditaanka Khayre ayaa timid maalmo kadib shirkii labaad ee Dhuusamareeb.

Inkastoo isku raaceen in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, madaxda dowlada iyo maamulada ayaa isku fahmi-waayey nooca doorashada 2020-21. Farmaajo wuxuu ku adkeystay qof iyo cod, halka dhinaca diidey.

Khayre ayaa taageersanaa in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan, talaabo la macno in uu diidan yahay muddo kororsiga kooxda Farmaajo, kaasoo khudbadiisa xiritaanka shirka ku sharaxay sirta ku duugan.

Madaxweynaha oo waqtigaa si furan u caddeeyay in uu baarlamaanka dib ugu laaban doono ayaa carabka ku dhuftay in hogaamiye kasta uu rabo in marka uu xafiiska baneynayo uu helo wax uu ololaha ku geli karo.

Wallow warar xusayaan in madaxda maamulada qaar lagu wargeliyey riditaanka Khayre, haddana Farmaajo ayaa tibaaxay in sababta doorasho qof iyo cod u rabo ay tahay si uu u fuliyo waajibaadkii uu ku fashilmay.

Dowladda Farmaajo ayaa laga doonayey in ay 2020-21 qabato doorasho dadweyne, taas oo ay ku guuldareystay in ay waqtigeeda ku hirgeliso markii ay dhameystiri wayday dastuurka, amniga sugi weyday.

Isagoo qiray in sharciga doorashooyinka baarlamaanka go'aanka la isku khilaafay uu kasoo saarey uu saxiixay "isagoo aan ku qanacsaneyn" madaxweynaha ayaa ku doodey "in uu eegay sidii dalka horey ugu sii socon lahaa oo ay qabsoonto doorasho ka duwan tii sanadkii 2016 ee dadbaneyn, maadaama nala dhahayo waxba ma qaban hadii aan gaari wayno".

"Waa dog-tihiin siyaasiga wuxuu rabaa wuxuu ku faano uu yiraahdo wax baan gaarey, maku faani karo 2016-kii baan joogaa," ayuu yiri.

Xisbiyadda mucaaradka iyo Mareykanka oo si isku mid ah u diidey talaabada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dhaawaceyso heshiiska Dhuusamareeb ayna abuureyso qalalaase siyaasadeed.

Hadalka Farmaajo ayay dadka qaar ku fasireen in uu damac uga jiro soo laabasho doorashadda soo aadan, halka kuwa kale ay ku qeexeen in uu kaliya u han-qal taagayo sidii uu u wanaajin lahaa mustaqbalkiisa dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM