Socodka Gawaarida xamuulka Muqdisho oo la xadiday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saarey maanta oo Isniin ah war qoraal ah oo loog amamnuucay Gawaarida xamuulka qaada isticmaalka wadooyinka Muqdisho xilliyada qaar.

Wareegtada Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa lagu shaaciyay in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo 8-da Fiidnimo.

Sidoo kale waxaa amarro la duldhigay Gaadiid xamuulka qaada, oo laga mamnuucay in aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga loogu tala galay, si looga hortago inay ku rogmadaan shacabka.

Gaarigii u hogaansami waayo amarkan waxa uu mutaysan doonaa ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000 Sh. So), sida ku xusan Warqadda kasoo baxday Xafiiska Thaabit.

Talaabadan ayaa waxaa looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, oo Gawaarida xamuulka kala kulmo caqabado markay wadooyinka ku rogmadaan.

Dhanka kale, waxaa xusida mudan in shacabka reer Muqdisho ay cabsi xooggan ka qabaan baabuurta waaweyn ee xamuulka qaada, kadib markii 14-ka bishan qarax loo adeegsaday gaari TM ah 377 qof ku dilay Isgoyska Zoobe.

Maalintii sabtida ee lasoo dhaafay waxa uu qarax ka dhacay afaafka Hotel Naasa-Hablood 2, kaasi oo ka dhashay Gaari UD ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, laguna weeraray dhisamaha Hotel-kaasi. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM