Somaaliya: Gudoomiye Waaxeed lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Dabley hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, ayaa saaka dil ugu gaystay magaalada Muqdisho Mas'uul sare, oo katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubaysan ayaa ku toogtey Foos Maxamed Xuseen, oo ahayd Gudoomiye waaxeed katirsan degmada Xamar-Jajab nawaaxiga Buundada 1aad ee degmadaasi.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay gurigeeda ugu galeen Haweeneydan, kadibna ay ku dhex-dileen Caruurteeda, xilli ay isku diyaarinaysay inay aado goobteeda shaqada.

Ciidamada amaanka ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaarey, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan gacan-ku-dhiigliyaashii dilay Allah ha u naxariistee Foos, sida ay Goob-joogiyaal u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Xamar-jajab, oo ku aadan dilka Haweenaydaasi Gudoomiye Waaxeedka ahayd.

Al shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay dilalka Beegsiga ah ee ay ka fulinayso Muqdisho, kuwaasi oo ay ku qaarijinayso dadka u shaqeeya dowladda Federaalka iyo Askarta Hay'adaha amaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM