​Somalia: Al shabaab oo laga saarey degmada Badhaadhe

Image

BADHADHE, Somalia- Ciidamada maamulka Jubbaland oo garabsanaya AMISOM, ayaa kala wareegay Al shabaab degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose, kadib dagaal xoogan oo geestay khasoorooyin kala duwan.

Dagaal xooggan, oo qaatay mudo saacado ah ayaa waxay u suurta gashay ciidamadaas gudaha u galaan magaalada Badhaadhe, oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya.

Cabdirashiid Janan oo ah wasiirka Amniga Jubbaland, ayaa xaqiijiyay qabashada degmadaas, wuxuuna meesha ka saaray inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray.

Janan, ayaa intaas ku daray in howgalkan socon doono, kaasoo qayb ka ah howlgal uu ku baaqay in la sameeyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland

Inta la ogyahay 6 qof, oo 4 kamid ah yihiin xubno katirsan Kooxda Al shabaab ayaa ku dhintay dagaalka.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in howlgaas lagu qabsaday Badhaadhe ay qayb ka ahaayeen ciidamo katirsan Maraykanka, inkastoo wasiirka Amniga uu sheegay inay fuliyeen ciidamadooda iyo kuwa AMISOM.

Al shabaab ayaa isaga baxay magaalada dagaalka markii looga adkaaday, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo qadka Taleefonka kula hadlay Warsidaha Garowe Online.

Magaalada Badhaadhe, oo ah magaalo xeebeed ayaa waxay gashay gacanta Al shabaab billowdgii January, sanadkii 2016 markii ciidamada Kenya isaga baxeen weerarkii Ceel Cadde kadib.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM