Somalia: Al Shabaab oo sheegatay Dilal ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida, ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Dilal Xalay ka dhacay magaalada Muqdishu.

Afhayeenka Kooxda Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasha ayaa qiray inay iyagu ka dambeeyeen Dilka Sarkaal Militariga Somalia kamid ahaa iyo 2 Oday dhaqameed kuwaasoo lagu toogtay caasumadda waddanka.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cilmi Nuur, oo ahaa Madaxii Gaadiidka Gurmadka Militariga ayaa waxay Rag ka tirsan Al shabaab ku khaarajiyeen xalay fiidkii Xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir.

Sidoo kale, Al shabaab ayaa dishay labo Oday dhaqameed oo Koonfur Galbeed kusoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Cabdullahi iyo Maxamed Abukar.

Dhammaan Kooxihii Dilalka gaystay ayaa baxsaday, mana jirto cid wali loo soo qabtey.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin Dilalka ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ee Muqdishu ka dhacay, kuwaasi oo qeyb ka ah Dilalka lagu bartilmaameedsanayo mas'uuliyiinta iyo Odayaasha Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM