​Somalia: Axsaab ka horyimid go'aamadii madasha [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen mas'uuliyiinta ku midoobay madasha isbahaysiga xisbiyada siyaasadeed ee Somalia islamarkaana ah murashaxiin u taagan hogaanka dalka ayaa maanta ka horyimid go'aamadii kasoo baxay madasha wadatashiga hogaamiyaasha dalka.

Qoraal si wadajir ah mas'uuliyiintu usoo saareen waxay uga soo horjeesteen qodobo kamid ah war-murtiyeedka shirkaasi isagoo caddeeyay in la baal maray dastuurka dalka iyo hishiisyadii horay loo galay.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu naqdiyay mudada xileedka loo kordhiyay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud, waxayna codsadeen inuu xafiiska banneeyo waqtiga rasmiga ah ee xilku uga egyahay.

Hoos ka Akhriso go'aamada ay soo saareen isbahaysiga xisbiyada siyaasadeed ee dalka Somalia

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM